Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu amray 6 eedeysane oo loo heysto fal dambi oo la xiriirta faafinta xogaha amniga Qaranka iyo sameynta basaasid siyaaasadeed inay ku yimaadaan Maxkamadda 29-05-2021 si ay isaga difaacaan eedda loo heysto.
Eedeysanayaasha kala ah:
1 –Matt Brydan
2 –Kheyre Cabdiraxmaan Raage
3 –Rashiid Cabdi
4 –Emmanuel Deisser
5 –Robison Colin
6 –David Hopkines
Ayaa lagu war gelinayaa inay hor tagaan Maxkamadda gobolka Banaadir oo uu ka furanyahay gal-dacwadeed ciqaab ah oo ay ku muteysteen inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amniga Qaranka, sameynta basaasid siyaasadeed iyo mid ciidan, waxayna ku xadgudbeen shuruucda dalka, sida lagu sheegay qoraalkan.
Afar ka mid ah ragaan waa ajaanib, halka labada kale ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.
“Maxkamadda gobolka Banaadir waxay fareysaa eedeysanayaasha kor ku xusan inay maxkamadda yimaadaan maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 29-05-2021, si ay isaga difaacaan eedda loo heysto,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.
Raggan dacwada laga gudbiyay waxaa ka mid ah Mitt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research oo horay dalka looga mamnuucay, waxuuna mar soo noqday xiriiriyaha guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.