Home Afsomali Muxuu salka ku hayaa Dagaalka iyo isdaandaansiga Muqdisho ka socsa qormadii enj...

Muxuu salka ku hayaa Dagaalka iyo isdaandaansiga Muqdisho ka socsa qormadii enj Cali aar

Dagaalka xamar ka socda ma aha dagaal qabiil waa dagaal u dhaxeeya kooxo isku jir ah oo wada daniistayaal ah, waxaan rabaa in aan cod dheer aragtiyda ku cabiro xaalada maanta xamar ka taagan. Horta maanta ninka idinka dhaadhiciya qabyaalad ayaa la isku dagalayaa waa beenlow tuug tuug dhalay ah ee yur iska dhaha.

Waxaan rabaa in aan si caqliyaysan wax u cabirno horta maanta Somalia kama jirto ,koox ama dad iskugu baheystay qabyaalad, Farmaajo ma wado dagaal qabyaladeed , Mucaaradkuna ma wadaan dagaal qabyaaladeed, Labada kooxoodba waxay u abaabulanyihiin koox koox isku dan ah koox kastana waxay rabtaa in ay teeda noqoto dantoodana gaaraan

,Dhamaantood waa isku jir oo waxay ka kooban yihiin dhamaan qabiilada soomalida
,Tuusale koox waxaa hor boodaya Farmaajo oo daarood ah Rooble oo Hawiye ah iyo Mursal oo eelay ah iyo Fahad yaasiin,

Kooxda kalana waxaa u hogaanka ah Sheikh Shariif oo Hawiye ah , waxaana ku koox ah Xasan sheikh , Xaasan Cali kheyre CCShakuur , oo hawiye ah , Dani ,iyo Axmed Madoobe oo Daarood ah iyo Abdixaashi Oo isaaq ah,

Marka ma aragtaan in aysan jirin koox isku wada hal qabiil ah, Runtu waxay tahay dhamaantood waa wada daniistayaal calooshood u shaqeystaal , wada shisheeye
Kalkaal ah waxayna rabaan in nin walbaa darkaas isagu qeybsho waxay ay isku haystaana waa sidii kooxba kooxda kale uga ceyrsan laheyd darka,

Hadaa run rabtaan kan idin ku reerka ahi idinma yaqaan , idinmana tixgalinayo hadii uu dagaal idin galiyana diyaarad ayuu raacayaa caruurtiisuna waxay u joogaan wadamo shisheeye taas ogsoonaada , Xataa waxaa dhici karta hadii midkood dantiisa ka dhex arko kooxda kale kaliya kaarka ayuu badalanayaa tusaalana waxaa idiinku filan Kheyre oo shalay u ciyaarayay kooxda Farmaajo ama abdishirishiid Janan oo u ciyaari jiray kooxda Axmed Madoobe ama xataa Saadaq Joonkan, bal is waydii sidee raga noocaas ah inta durbaan qabiil kuu tumaan kuu dagaal galin karaan??

Aan u soo noqdo Saadaq Joon wuxuu haystaa Fursad wayn oo uu ku noqon karo nin hor kaca Kacsoon wayn waase hadii uu hello ahlul caqli.!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.