Ka dib Markii doorashadii gudoonka aqal sare uu ku guuley in uu Noqdo Gudoomiyihii ugu horeeyey Xildhibaanada Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa arintaasi waxaa soo dhaweeyey dhamaan Mudanayaashii ka qeybgalay doorashada waxaa ayna ku tilmaamen guul u soo hoyatay bulshada somaliyed oo ay ku jidho beelaha Somaliland waxayna hoosta ka xariiqeeyn in ay jirto weli Midnimadii umadda somaliyeed.
Dhageyso Faroole
Mudanayaashii aqalka sare ee Munaasibada ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ahna xildhibaan ka tirsana aqalka sare ee baarlamaanka wuxuuna khudbadiisa ku soo darey in doorashada cabdi xaashi ka turjumeyso ka mid ahaashiyaha Somaliland mujtamaca somaliyeed oo aysan weli ka bixin wuxuuna ku tilmaamay guul la taaban karo
Raoole ayaa xusay in Maadaama cabdi Xaashi ka soo jeedo beelaha Reer Somaliland uuna hada yahay gudoomiyaha Aqalka sare somaliya ayna Somaliland awooda dalka wax ka hageyso ayna kana mid tahay tahay somaliya
Cabdiraxmaan faroole” waa jiraan qaladaad ay tabanayaan shacabka iyo madaxda reer Somaliland balse dib ayaa laga sixi doonaa hadiiba aan dooranay Cabdi Xaashi “
Somaliland ayaa ka mid ah beelaha ugu waaweyn dalka ee helay xilalka sare halka hoolaha aan awooda badan laheyn aanan la siinin qabashada jagooyinka waaweyn ee dalka.
https://youtu.be/N5I81-k_a18
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0