Home Afsomali Full VIDEO Warsaxaafadeed Golaha Hogaaminta Habargidir oo soo dhaweeyey Hadalkii Raiisal wasaare...

Full VIDEO Warsaxaafadeed Golaha Hogaaminta Habargidir oo soo dhaweeyey Hadalkii Raiisal wasaare Rooble

Golaha Hoggaaminta Habargidir “GHH” oo astaan u ah Nabadda iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed waxuu si diiran u soo dhawaynayaa una taageerayaa Mowqifka Nabadeed ee ay qaateen Maamul Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabelle oo uu ku taageeray Raisul wasaaraha Jamhuriyadda Federalka Somalia mudane Eng . Mohamed Hussein Roble. Go’aan kaas oo ahaa mid u hiilinaya Danta guud ee Qarannimadda Ummadda Soomaaliyeed kuna soo
beegmay xili xaasasi ah si dalka looga badbadsho qalalaase siyaasaded iyo mid amidaro.

GHG waxaa uu Aaminsanyahay in wadada kaliya ee looga bixi karo marxaladda adag ee
dalku kujiro ay tahay in lafuliyo Heshiiskii Doorashada 17 September 2020 oo ah waxa kaliya ee la isla ogolyahay, labada golena ay meel mariyeen.

GHH waxaa uu soo dhawaynayaa in dalka ay kadhacdo doorasho xalaal ah, Xor ah hufnaana ku dhisan .

GHH waxaa uu u mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay joojinta colaadda kana
shaqaysay in lagaaro daganaashiye iyo xasilooni siyaasadeed oo bilow ah guud ahaan dalka gaar ahaan Gobalka Benaadir oo maalmihii lasoo dhaafay barakac kabilowday.

GHH waxaa uu soo dhawaynayaa mowqifka taageerada ah ee ay qaateen, Dowlad
gobaleedyada kale ee dalka sida:Puntland, Jubaland, Koofur Galbeed, Maamulka Gobalka Benadir, Madasha Bad baado Qaran iyo madaxwaynaha taas oo u hiilinaysa dareenka
shacabka iyo dagananshiyaha dalka .

GHH waxaa uu ugu baaqayaa Ciidamada qalabka Sida ee Qaranka soomaaliyeed in ay
ilaaliyaan xuduudda uu u ogolyahay Dastuurka Qaranka iyo sharciyada kale ee dalka u yaala
aynana ku milmin siyaasadda.

Gabagabadii, GHH waxuu ugu baaqayaa Beesha caalamka iyo daneyayasha arimaha Somaliya in si wada jir ah u garab istaagan kana shaqeeyan sidii doorasho la isla ogol yahay ay uga dhici lahayd dalka Somaliya iyadoo loo samaynayo jadwal iyo tub la raaco laguna sunto waqti cayiman. GHH waxuu u arkaa cidii ka tilaabsata waxyaabaha la isku afgarto in meel looga soo wada jeesto.

Wabillahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.