Home Afsomali “Faahfaahin,,Etoobiya oo Af-gambi Ka Badbaaday!

“Faahfaahin,,Etoobiya oo Af-gambi Ka Badbaaday!

 

Shalay galab ayay ahayd markii qoraal ay siwada jir ah usoo saareen haayadaha amaanka qaranka itoobiya laga akhriyay muuq baahiyaha dalkaasi.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in koox la baxday Soo Noolaynta Qadiyada Axmaarada Iyo Dhaq-dhaqaaqa itoobiya ay maleegeen qorshe lagu khal-khal galinayo doorashada 6aad islamarkaana lagu duminayo nidaamka dawladeed ee haatan jira badalkiisana ay wadeen qorshe ay dawlad ku meel gaadh ah ku dhisayaan kooxdani.

Kooxdan oo sida ay dawlada itoobiya sheegtay samaysay laba goobood oo ay ku kulmaan oo baraha bulshada ah ayaa waxaa hormuud u ah 45 qof oo ku nool dalka Germany iyo tiro aan la cayimin oo maraykan ku dhaqan waxaana gadhwadeen u ah nin lagu magacaabo Tashale Kebede Illo oo Germany jooga iyo Professor Abera Meshesha oo USA jooga kaasoo diyaariyay dastuur cusub oo 88 bog ka kooban islamarkaana uu daabacaada u wakiishay Nadew Zewde oo AddisAbaba ku sugan, halka gudaha itoobiyana uu gadhwadeen ka ahaa Saajin Yonni Jambere oo dhawaan milatariga laga eryay iyo Gaashaanle Mulgeta Tsege.

Saajin Yonni ayaa isgu ahaa midka u xilsaaran dabagalka iyo uruurinta xogaha madaxda dalka ee larabo in la khaarajiyo iyo soo uruurinta iyo xero galinta saraakiisha amaanka ee milatariga, sirdoonka iyo booliska, saajinkan iyo Gaashaanle Mulgeta ayaa tiraba dhawr goor u safray deegaanka axmaarada iyagoo diyaariyay qoraalgu ay ka midyihiin Addis Ababa kama aamusayno, aan kahortagno doorashada lagu hirgalinayo dhiiga axmaarada iwm, islamarkaana tababaro ujeedadoodu tahay dagaal Addis Ababa ka dhaca u qabtay dhalinyarada axmaarada ee magaalada Addis Ababa iyagoo sadex sadex boqol isugu xidhay.

Kooxdan ayaa gudaha dalka soo galiyay qalabka leexinta (afduubka) wicitaanka, qalabka isgaadhsiinta, qalabka adeegsiga gudbinta fariimaha sida Zoomka iwm,hub, lacag iyo saanad kale, waxaana arintan u xilsaarayd Masseret Agaze oo adeegsanaysa haayad maxali ah oo ay leedahay oo lagu magacaabo Messeret Foundation, taasoo wadanka soo galisay qalabkan iyadoo ka faaiidaysanaysa canshuur dhaafka haayadaha samafalka.

Hadaba haayadaha nabad galiyada oo kooxdan ku raadjoogay ayaa gacanta ku dhigay 15 eedaysane oo dunuubtan faraha kula jiray kuwaas oo ay kamid yihiin Saajin Yonni, Gaashaanle Mulgeta, Messeret iyo kuwa kale, waxaana lala qabtay buugaagta bangiyada, cadaymo lacago laysu xawilay, hub, saanad ciidan, qalab isgaadhsiin, iyo Dastuurkii ay samaysteen oo la daabacay ilaa 1,000, bog, iyo waraaqaha fariimaha xambaara, halka kuwa kalana lagu daba joogo.

Isku daygan ayaa la sheegay inay gadaal ka riixayeen islamarkaana taakulaynayeen saraakiil kamida milatariga, sirdoonka, federaal booliska, madaxda PP, ururo mucaarad ah iyo shaqsiyaad kale.

Hadaba dad badan ayaa iswaydiinaya waa kuwee saraakiisha iyo madaxda isku daygan fashilmay qaybta ka ahaa, kaasoo haatan u muuqda mid ay soo maleegeen dad ku abtirsada qoomiyada axmaaradu?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.