Home Afsomali Diyaarada 94 Dhalinyaro laa soo Musaafuriyey dalka mareykanka iyo ciidamadii galbinayey...

Diyaarada 94 Dhalinyaro laa soo Musaafuriyey dalka mareykanka iyo ciidamadii galbinayey oo ku soo fool leh saacdaha soo socda magaalada Muqdisho

Dayuurad ay la socdaan Soomaali si qasab ah looga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ayaa ku soo wajahan gudaha Soomaaliya saacadaha soo socda.

Waxaa dayuuradan la socda sida wararku sheegayaan illaa 94 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyinka wadanka Maraykanka.

Soomaalidan oo markii hore ka cararay duruufaha nololeed iyo amni xumada ka jirta dfalkooda ayaa waxaa lagu eedeeyey iney qaab tahriib ah ku galeen dalka Maraykanka, iyagoo siyaabo kala duwan uga gudbay xadka dalka Mexico uu la wadaago Maraykanka.

Dayuurada ay la socdaan dadkan laga soo masaafuriyey Maraykanka ayaa waxa saaran ciidamo Maraykan ah oo ilaalo ka haya dhalinyaradan Soomaalida ee dalkooda lagu soo celinayo.

Dhalinyaradan ayaa loo diidey in loo aqoonsado qaxootinimo, waxaana qaarkood markii ay saxiixeen waraaqaha dib loogu celiyo wadankooda loo sheegay in lagu celinayo Soomaaliya.

Dhalinyaradasi waxay cabasho ka muujinayaan in safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykaka ay wax ka ogtahay in dib u celin lagu sameeyo, iyagoo xusay in qarash badan iyo rafaad ay ka soo mareen sidii u gaari lahaayeen dalka Maraykanka.

Safaarada Soomaalida ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay ka war-hayso xaalada dhallinyaradan, balse aysan shaqo ku lahayn aqbaalaaddooda iyo diidmadooda taasna ay u taallo dowladda Mareykanka.

Xabsiyada wadanka Maraykanka ayaa waxaa ku jira dhalinyaro kale oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyey iney tahriib sharci daro ah ku soo galeen Maraykanka, mana jirto dembiyo kale oo loo heysto, waxaana lagu wadaa in iyana Soomaaliya lagu soo celiyo.

Shuruucda dhinaca socdaalka ee dalka Maraykanka ayaa qoraysa in dadka ajaaniibta ah ee tahriibka ku soo gala dalkaas dib loogu celiyo dalalka ay ka soo jeedaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.