Home Afsomali Waalidiin Carruur ay dhaleen dowladda Tababar ciida Dalka Dibadiisa ugu qaaday  oo...

Waalidiin Carruur ay dhaleen dowladda Tababar ciida Dalka Dibadiisa ugu qaaday  oo banaanbax dhigay

Waalidiin Carruur ay dhaleen dowladda Tababar ciida Dalka Dibadiisa ugu qaaday  oo banaanbax dhigay

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta dibadbax ka dhigay Waalidii sheegay in dowladda Soomaaliya ay Carruur ay dhaleen uga qaaday dalka Ereteriya si loo askareeyo, hayeeshee ay la’yihiin muddo dhowr sano ah.

 

Waalidiinta oo isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ay sheegeen in Carruurta qaarkood, iyaga oo aan ogeyn ay dowladda Soomaaliya si qarsoodi ah diyaarad uga qaaday magaalada Muqdisho, isla markaana nolol iyo geeri aysan ku heyn mudana aysan la soo hadlin.

Qaar kamid ah Waalidiinta banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Star tv  ayaa ka codsaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta inay Carruurtooda dib ugu soo celiyaan ama  hadal siiyan.

waalidiinta  Carruurtooda loo qaado tababarka Ciidan ayaa dowlada ka dalbaday in Nolol iyo Geeri Carruurtooda ay meel ku sheegaan.

Dhowr jeer ayaa waxaa Warbaahinta kasoo muuqday Waalidiin sheegay in carruurtooda tababar ciidan dalka Dibadiisa loogu qaaday in kasta oo qaarkood ay ka soo xariireen Qoysaskooda   dowladda Soomaaliya ay beenisay in Noloshoodu halis ku jirto .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.