Mudane Xasan Cali Qeyre da’yar mustaqbal fiican lahaa iyo yididiilo wanaagsan kama fiirsan markuu raacay kuwa rajadoodu ku Soo aruurtay iney dib ugu laabtaan heybtooda qabiil iyagoo u arkaayay iney wax ku noqon karaan.
Waa kaga dhowaa hanaanka siyaasadeed iyo hiigsigiisa hogaamineed welina rajadiisa waa fiican tahay ha is daba qabto waa loo han weyn yahay waa Madaxweynaha mustaqbalka ee aan dhowaan fileyno waxaan leeyahay ka faraxalo oo dib ugu noqo wanaagaagii aan kuugu taageeri jirnay waxaana ku leeyahay mar labaad hambalyo haddaaba ogaatay xumaantooda jiro joog garabkaaga ayaan ahay balse waxqabadkaagii hadaad qabiil ku burburiso ogow adna burburka ayaa qeyb ka tahaye mar danbane qabiil isku dirkii xoolo ha u loogin