Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres
[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]

ayaa si aqlabiyad leh dib loogu doortay markii labaad muddo shan sano ah golaha 193-ka xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
72 jirkaan reer Bortuqiiska, ahna musharaxa kaliya ee u taagan jagada ugu sareysa aduunka, ayaa sheegay jimcihii in uu “hoos udhacay oo uu niyadsamay” taageerada, isaga oo intaa ku daray in “mawduuca wadista” ee xilkiisa labaad uu noqon doono “ka hortagga dhamaanba dhinacyada – laga bilaabo isku dhacyada, isbeddelka cimilada, aafooyinka ilaa saboolnimada iyo sinnaan la’aanta ”.
“Waxaan ku bixin doonaa wax walba oo aan ku xaqiijinayo inuu soo ifbaxayo kalsoonida u dhaxeysa iyo umadaha waaweyn iyo kuwa yar yar, si loo dhiso buundooyin, iyo inaan si hagar la’aan ah uga qaybqaato dhismaha kalsoonida,” Guterres ayaa u sheegay Golaha Guud ka dib markii uu dhaartay xafiiska.