Home Afsomali Senator-ka Beesha Murusade oo sanadkan xiiso gaar ah yeelanaya

Senator-ka Beesha Murusade oo sanadkan xiiso gaar ah yeelanaya

Senator-ka Beesha Murusade oo sanadkan xiiso gaar ah yeelanaya kadib markii uu isku soo sharaxey shaqsi saameyn ku dhex leh Baarlamaanka Galmudug. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, Xildhibaan Mahad Sh Ali Ibar oo mudooyinkan howlo shaqo ujiray Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu ka bilaabey kulamo uu la yeelanayo xubnaha Baarlamaanka Galmudug, isagoo wada qorshe uu ku doonayo in uu ku shaaciyo musharaxnimadiisa kamid noqoshada gollaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Wasiir Cibaar oo ah shaqsi saameyn ku dhex leh beesha murusade, dhowr jeerna soo noqdey Xildhibaan iyo Wasir Galmudug ayaa iminka doonaya in uu hanto aqlabiyada gollaha uu ka tirsanyahay ee Baarlamaanka Galmudug oo ah kuwa iyagu dooran doona kuraasta aqalka sare ee kasoo galaya Galmudug. Sher ku Qabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.