Home Afsomali Saraakiil Ciidan & Xildhibaano degmada Maxaas u tegay dagaalka ka dhanka ah...

Saraakiil Ciidan & Xildhibaano degmada Maxaas u tegay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Waxaa Maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan gaaray wafdi isugu jira Xildhibaano katirsan golaha Shacabka, Wasiiro katirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil Ciidan, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ay Xildhibaanada hoggaaminayeen ee gaaray Maxaas ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye,  Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey,  Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Wasiir Wasaaradda Waxbarashada Hir-Shabeelle Maxamed Dheere, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha qeybta 27-Aad Gen.Tawane Axmed Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan ee degmada Maxaas ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda amni ee degmada iyo degaannada hoostaga iyo sidoo kale dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaannada hoostaga degmada maxaas iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Wafdiga Xildhibaannada ah ee gaaray degmada Maxaas ayaa hormuud ka noqon doona howlgalka ka dhanka ah A-Sabaab ee Hiiraan ka socda waxa ayna dhanka kale Xildhibaanada ka qeyb gali doonaan Shirweyne Maxaas ka furmaya dhawaan, kaas oo looga hadlayo arrimo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.