Home Afsomali Fuul VIDEO Wiilsasheena waa la jir dilay korontaana xaniin yahay looga qabtay

Fuul VIDEO Wiilsasheena waa la jir dilay korontaana xaniin yahay looga qabtay

Ehelada iyo waalidiinta wiilshaooda dil toogasho ah lagu xakumay ku banaanbaxay magaalada Muqdisho waxayna xuseen in wiilshaooda afduul jirdil karonto iyo biyo qabow oo la cabsiiyey la iskuugu daray ayna ka xun yihiin ay danibi aysan galin lagu maxkamadeeyo

Xili ay maxkamada darajada 1aad ee Puntlan xukuno dil iyo toogasho ah ay ku riday dhalinyaro ay ku sheegtay in ay ahaayeen gacan ku dhiiglayaal ka tirsanaa Xoogaga Alshabaab ayaa arintaa waxaa ka soo horjeestay oo beeniyey ehelada iyo waalidiinta dhalinyarada dilka lagu xakumay

Waalidiinta ayaa sheegay in baaritaanada wiilshooda loo adeegsaday in koronto Xaniinyaha Looga qabtay halka qaarkoodna aysanba qaan gaar aheyn waxayna dhamaanba diideen xalaal ahaahnshiyaha xakunka ay ku rideen Maamulka Puntland waxayna Magafayaal qafaalato ah ku tilmaameen Muumin Cabdi shire   iyo Khadar ogaadeen

Ehelada iyo waalidiinta ayaa xusay in wiilashooda ay shaqo tag ahaayeen xakunkoodane aysan shaqo ku laheyn maxkamada puntland maadaama ay joogeen deegaanada maamulka galmudug state oo ay hoostagaan

Ugu danbeyn waxay madaxda dowlada iyo maamulkaas ugu baaqay in ay wiilashoodu cadalad helaan

Dhawaan ayey aheyd markii Maxkamada darajada koowaad ee puntlan dil toogasho ah ku fulisay 21 dhalinyaro ah oo ay ku tilmaameen in ay horey dad u laayeen in kasta oo la sheegay in mid ka mid ah ragas dilka lagu fuliyey uusan geysan danbiga lagu eedeeyey ahaana ganacsade reer hiiraan ah

 

 

 

Previous articleRa’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Siyaasiyiinta Jubaland ee Gobolka Gedo
Next articleRa’iisul Wasaare Rooble oo booqday Taliska Ciidanka C.X.D.S ee Jubaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.