Home Afsomali 21 ka qof oo lagu eedeeyey dilal ay u geysteen Al-shabaabnimo...

21 ka qof oo lagu eedeeyey dilal ay u geysteen Al-shabaabnimo oo lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa Saakay Xukun Dil ah ku Fulisay Kudhawaad Labaatan katirsan Alshabaab dilalna geystay

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 18 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab oo horey Maxkamaddu xakun dil ah ugu ridday.

Al-shabaab ayaa falal iskugu jira dilala iyo Qaraxyo la fashiliyay ka geystay Magaalada Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Gobalka Mudug, waxayna saraakiisha Puntland wacad ku mareen in Caddaaladda la marsiindoono Qof kasta ee kamid ah alshbaab ama gacan ku siiya falalka arxandarada ah ee lagu leynayo dadka shacabka ah

Sidoo kale, magaalada Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba ruux oo lagu helay dambi ah inay ka tirsanaayeen Al-shabaab dilalna geysteen, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka nin kale oo gacan ku dhiigle lagu sheegay lagu toogtay magaalada Qardho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.