Home Afsomali Al-shabaab oo aroortii hore  Weerar ku bilaawday Qaraxyo kula waabariisatay degaanka Wisil...

Al-shabaab oo aroortii hore  Weerar ku bilaawday Qaraxyo kula waabariisatay degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug

Al-shabaab oo aroortii hore  Weerar ku bilaawday Qaraxyo kula waabariisatay degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug

 

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya Weerar ku bilaawday Qaraxyo oo saakay alshabaab ku qaadeen degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug oo aan ka fogayn Deegaanka Bacaad Wayn oo alshabaab la wareegeen bilo ka hor.

Weerarkaan oo ku bilaawday Qaraxyo iyo mid toos ah ayaa ka dhacay halkaas, waxa uuna dhex maray ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan oo socday ku dhawaad Sadax sac ayaa dhacay saakay Salaadii Subax markii laga soo baxay, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax ku qaadeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi oo u dhexeeyo Hobyo iyo Gaalkacyo.

Sidoo kale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, isla-markaana ay khasaare gaarsiisay ciidamada huwanta. Balse ma jiran ilo Madax banana oo Xaqiijinayo sheegashada alshabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.