Home Afsomali Alshabaab oo goob fagaare ah dil kaga fulisay lix qof iyo magacyada...

Alshabaab oo goob fagaare ah dil kaga fulisay lix qof iyo magacyada iyo eedeymahooda

Al shabaab oo 5 rag iyo qof dumar ah ku togtay Degaanka Kuunyo baroow.
Dhammaan dadka ladilay oo lagu eedeyay Howlo basaasnimo ayaa lagasoo qabtay deegaanka Kuunyo Barroow halkaas oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
1- Cumar Cabdul Qaadir Hiiraale, da’diisu tahay 36 jir.
2- Cabdi Xasan Axmed, 29 sano jir ah.
3- Fartuun Cumar Abkow, oo loo yaqaano Farto, 36 sano jir.
4- Ibraahim Cumar Cali, 55 sano jir ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay xukun dil toogasho ah ka fuliyeen xoogaga Al-Shabaab ee gacanta ku haya degmada Saakow oo ka tirsan gobolkaasi ee koonfurta dalka.

Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in toogashada ay ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Saakow, waxayna ku eedeeyeen lix qof oo la dilay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeyneysay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da.

Al-Shabaab oo shaacisay magacyada lixdaas ruux ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen howl-gallo duqeymo ah oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi oo ku xoogan gobolladaasi.

Maxkamadda Al-Shabaab oo xukunkan iyadu soo saartay, ugu dambeyna la fuliyey ayaa sheegtay in lixda qof ay kala yihiin shan rag ah iyo qof dumar ah, waxayna hoosta ka xariiqday inay bixiyeen macluumaad ay siiyeen sirdoonka dowladda Mareykanka.

Magacyada dadka toogashada lagu fuliyey ayaa kala ah 1- Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36), 2- Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 3-Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka, 4-Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 5-Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA, 6-Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka.

Toogashada ayaa ku soo aadeysa maalin, kadib markii shalay Puntland dil wadareed ay ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la qisaasay.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay maamusho ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.