Home Afsomali Hub fara badan oo ay hayaan Askarta Ethiopia oo khilaaf ka...

Hub fara badan oo ay hayaan Askarta Ethiopia oo khilaaf ka dhaliyey Kismaayo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xili dhawaan Markabka lagu qabtay Dekada Kismaayo, uu waday  waday tan Hub ah oo u badan Bastoolado, Miinooyin iyo agab Militery oo aan la cayimin..

ayaa waxaa soo baxaya  in Khilaaf ba’an uu ka dhextaagan yahay Maamulka Jubbland iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, kaa oo salka ku haya baaritaanka lagu hayo Markabkii lagu qabtay Xeebta Kismaayo ee rarka Hubka ah siday.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wakiiladu ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo Hubka
laga dajiyay Markabka si loo baaro waxa ay yihiin iyo halka uu rarkaasi ka
imaaday.

Wakiilada ayaa sheegay in Jubbland aysan awood u laheyn in Hubkaasi ay heysato,
waxa ayna ku doodeen in la marinaayo baaritaan, ka hor inta aan Hubkaasi lagu
fasixin magaalada.

Wakiiladu waxa ay sidoo kale is hortaagen in Hubkaasi ay sii hayaan ciidamada
Ethiopia ka jooga Somalia, gaar ahaan kuwa ka howlgala Dekada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa ka hor imaaday in Hubka iyo Markabka siday ay lug ku
yeeshaan Beesha Caalamka, waxa ayna Jubbaland si cad u diiday in Baarayaal aan
aheyn kuwa maamulka iyo Ethiopia loo fasaxo Hubka iyo Markabka.

Jubbaland ayaa ku doodeysa in la socodka iyo Baaritaanada Maraakiibta kusoo
xiraneysa Dekadda Kismaayo, ay khuseyso keliya Jubbaland.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.