Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa sheegay iney Shaqo la’aan la soo deristay kaddib markii ay badda ku dhufteen dabeylo saameeyey howlahooda kalluumeysiga.
Dabeylahan oo badanaa bilaha lixaad iyo toddobaad ku dhufta Berbera ayaa lagu soo warramayaa inay yihiin kuwa aad u xooggan.
Bisha Toddobaad laash ay kalluumeysatadu lahayd oo badda ku ambadayna waxa ku dhintay hal qof iyada oo qaar kalana la soo badbaadiyey.
Maamulaha kalluumeysatada Berbera Ismaaciil Cabdi Xirsi (Saar Saar) ayaa sheegay in xilligan aysan jirin kalluumeysato ka jilaabaneysa Xeebaha Magaalada Berbera, isla markaana dabeysha socota ay saameysay kalluumeysatada.