Home Afsomali Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble waa in maxkamad la...

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble waa in maxkamad la soo taago kuwii qarxiyey cayaartoydii kismaayo

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareyay qaraxii  la beegsatay dhallinyaro ciyaartooyda ahaa.

Rooble ayaa ku baaqay in si deg deg ah Caddaalada loo horkeeno kooxdii ka dambeysay falkaasi uu sheegay in ay halis ku yihiin nolosha shacabka.

“Waxaan tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland,kuwa dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan” ayuu yiri Rooble.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay”.

Jubbaland ayaa xaqiijiysay in Qaraxii shalay ku dhinteen labo ciyaartow sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Afar kale, islamarkaana Qaraxa uu ahaa mid loogu xiray gaariga buska ah ee ay saarnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.