Gudoomiyaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Axmed Maxamuud Yuusuf Axmed Sacuudi oo shir jaraa’id ku qabta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkadu ay ugu deegday dadka abaruhu saameeyeen gargaar lacageed oo gaaraya Lixboqol kun oo doolar .
Munaasibada wareejinta aduunkaan lacageed ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuulin ka socotay Qeybaha kala duwan ee shirka isgaarsiinta hormuud talacom ee Magaalada Muqdisho .
Gudoomiyaha shirkada hormuud talacom ( Axmed Sacuudi ayaa faahin ka biyey tirade lacagta ay shirkadu bixisay iyo cida loogu talay galay .
Shirkada hormuud talacom ayaa kaalmadaan lacageed ku wareejisay isla goobtii shirkada hormud foundation oo uu ka gudoomey Cabdulaahi nuur Cusmaan oo ka gudoomay
Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa noqonaysa hay’adii ugu horeysay oo ka jawaabta baahiyaha ay qabaan dadka iyo duunyada abaaru saameeyeenta balaaran ku yeesheen .
Guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Axmed Maxamed Yuusuf oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkaddu ay kaalinteeda ka qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu ay saameeyeen.
“Ka dib markii shirkaddu aragtay abaaraha ba’an ee dalka ka jira, webiyadii ay qalaleen, beerihii ay waraab la’aan soo wajahday, xoolihii iyo dadkii la joogayna ay biyo iyo baad la’aan u dhimanayaan ayaa waxay go’aansatay iney ugu deeqdo dadkaas dhibaateysan lacag gaareysa $600,000 (lix boqol oo kun oo dollar)” ayuu yiri gudoomiyaha shirkada Hormuud oo intaa ku daray in gargaarkaas qeybintiisa loo xilsaaray heyadda Hormuud Telecom Foundation si ay u gaarsiiso dadkii u baahnaa.
Axmed Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada sida ganacsatada qurba joogta iyo dadka kale ee ILAAHAY wax siiyey iney gargaar u fidiyaan dadka walaalahood ah ee abaaruhu ay ku saameeyeen gobolada dalka oo uu xusay iney ku jiraan xaalad adag.
Guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation C/llaahi Nuur Cismaan oo isna munaasabaas ka hadlay ayaa sheegay iney gudoomiyaha Hormuud ka guddoomeen deeqda lacageed ee Shirkaddu ugu talo gashay gurmadka abaaraha, isagoo balan-qaaday iney gaarsiin doonaan dadkii loogu talo galay.
“Hormuud sida horeyba looga bartay waxay u taagan tahay inay dadka Soomaaliyed la qeybsato marxalad iyo culeys kasta, ma’aha heyad kheyri ah ee waa shirkad ganacsi, ujeedada aan kaalmooyinka iyo mashaariicda ugu sameyneyno dadka dhibaateysana waxay tahay in faa’iidada shirkadu hesho qeyb ka mid ay dib ugu celiso bulshada gaar ahaan kuwa dhibaateysan” ayuu yiri C/llaahi Nuur Cismaan oo intaa ku daray in deeqdan ay biyo baadba ku gaarsiin doonaan degaanada ugu daran ee laga soo sheegayo abaaraha.
Deeqdan lacageed ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud u qoondeysay dadka abaaruhu ku saameeyeen gobolada dalka ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee loogu deeqo dadkaas dhibaateysan si gargaar loogu gaarsiiyo, waxaana talaabada hormuud soo dhoweeyey bulshada soomaaliyeed oo ku tilmaamay talaabo ku dayasho mudan.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0