Iyadoo guud ahaan marka la eego inta badan Soomaaliya ay ku jirto abaar saameyn weyn oo dhinaca nolasha ah ku yeelatay dadka iyo duuniyada ayaa dhinaca kale warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay jiraan dad ku dhaqan deegaanno xitaa ay adag tahay in gargaarka la gaarsiiyo.
Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay Xassan Saney ayaa sheegay in dhibaato weyn oo dhinac nolasha ah soo food saartay dadka ku dhaqan degmada oo sida uu hadalka u dhigay ka jireen Al-shabaab jidadkii gargaarka loo sii marin lahaa.
Dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmada ayaa laga cabsi qabaa in naftooda ku waayaan dhibaatada nolaleed ee ka jirta degmada iyo deegaannada hoos taga, madaama mar hore ay ka marteen xoolihii ay dhaqanayeen.
‘’Marar badan oo horay ayeey Al-shabaab dab qabadsiiyeen gadiid gargaar u siday degmada, jidadka waa ay go’an yihiin waxaa jirta cabsi laga qabo Al-shabaab, sidaa daraadeed weyn adag tahay in dadkaa la gaarsiiyo kaalmadii loo baahnaa’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Ugu danbeyntii, deegaannada gobollada Baay iyo Bakool ayeey adag tahay in leysku socdo, madaama ay wali ka howlgala xoogagga Al-shabaab oo go’doomin ku haya degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini
https://youtu.be/N5I81-k_a18
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0