Home Afsomali Soomaaliya oo Turkiga ka heshay 30 Million oo dollar

Soomaaliya oo Turkiga ka heshay 30 Million oo dollar

oolar

Sida lagu qoray  Wargeyska dowladda Turkiga Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa bixineysa lacagtaas, waxaana soomaliya bil walba la siin doonaa lacag dhan 2.5 Million illaa inta ay ka gaareyso 30 Million oo dollar.

Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa ku sheegtay sababtaya ay Soomaliya u siineyso lacagtaas in Soomaliya ay ku horumariso dhaqaalaheeda iyo dib u habeynta xarumaha dowladda.

Sidoo kale Turkiga ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan sida loo isticmaalo lacagahaas, iyagoona isha ku heyn doono in loo isticmaalay xeerka dhaqaalaha, horumarinta iyo dib u habeynta maamulka.

Dowladda turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada weyn siiya Soomaaliya, waxaana ay Soomaliya u tababartay Ciidamo farabadan, kuwaas oo la dagaalama Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.