Home Afsomali Boloce ka oo xabsiga dhigay rag loo heysto Burcad iyo gacanku dhiiglenimo

Boloce ka oo xabsiga dhigay rag loo heysto Burcad iyo gacanku dhiiglenimo

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay howlgallo lagu xaqiijinayay amniga ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir kadib cabasho uga timid dadka Shacabka ah.

Howlgalka oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay Saddex Nin oo mid kamid ah uu qof Shacab ah dilay iyo laba Burcad ah oo la sheegay inay dhac geysanayeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in raggaan oo ku hubeysna Qray AK47 iyo b ustoolad ah ahaayeen kuwo dhac iyo dhibatooyin kala duwna u geysan jiray Shacabka ku nool degmada Kaaraan.,

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ila iyo inta ay Kooxaha Burcadda ah ka sifeeynayaan Xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan oo daka Shacabka ah ay Burcadda ka cabanayeen.

Maaamulka degmada Kaaraan iyo taliska Booliska degmadaas ayaa dhowr jeer waxaa ay soo bandhigeen rag hubeysan  oo ay sheegeen inay burcad ahaayeen, kuwaas oo oo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada balse ilaa iyo hadda aan wax maxkamad ah la soo taagin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.