Home Afsomali Oraahda prof yaxye amir Fadlan ii Fasir 6 daan Murti ee Somalida.

Oraahda prof yaxye amir Fadlan ii Fasir 6 daan Murti ee Somalida.

Fadlan ii Fasir 6 daan Murti ee Somalida.

1. ( Kaa horeyoow waa la warsadaa, waa dambeeyoowna waa loo sheegaa).

” Haddii aan kaa horeeyo i weeydii, Haddii aan kaa dambeeyana wax ii Sheeg”

2. ( Laba Nin, wax aan Daal aheyn ma keenaan: Nin loo diray wax uuna aqoon, iyo Nin loo diray wax aan jirin).

” Laba Siyaasi oo sifadaa leh, ma taqaan?. Mid loo diray wax uuna Aqoon iyo mid loo diray wax aan jirin”

FG: Magacooda ha sheegin. horaa loo yiri:

3. ( Sharmuuto Qofkii yaqaan ayeey Dadka u necebtahay. Siyaasiyiintuna Qofkii yaqaan ayeey Dadka u necebyihiin oo Cayayaan ayey ku kiciyaan).

4. ( Sal Naageed iyo Saldanaba la isaguma turo, leeysma amaahiyo. Ma jiraan Rag Xaasaskooda u geeyo Madaxda).

FG: iyagana ha sheegin.

5. ( Haddii Qof dhagax kugu soo tuuro, ma dhagaxaad qabsanee, muse qofka?).

” Weligaa ma aragtay Siyaasi Dambi kaa galay, ee kii uu kugu soo diray, isaga iska dhici ku leh”

6. ( Jaahilnimo Daawo waa loo haayaa, ee Doqonimo, yaa Daawo u haayo? ).

” Xattaa hadduu Aqoon leeyahay. Horaa loo yiri: Doqoneey Dabkaa Ba’, Ma diirsado Walaalkeed inteey Dunida Joogto”

FG: Doqon Walaalkaa ah ma taqaan? Ha sheegin.

FG: Adoon Cidna Magacaabin, wax noo sheeg.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.