Kulan balaaran oo ay iskuugu yimaadeen qaar ka tirsan odoyasha dhaqanka soomaaliyeed kaas oo looga arinsanayey xaalada dalku uu marayao ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayey xaaladaha abaraha dalka ka jira qilaafka ka jira madaxda maamulka galmudug yo iyo dartdaaran ay u jeediyeen xildhibaanad alabada gole iyo masuuliyiinta dowlada ganacsatada iyo beesha calamka
Dood dheer iyo falan qeyn ka dib ayey shirkooda ka soo saareen warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban
Warsaxaafadeedkii ay sida wada jirka ah u soo saareen ayaa sidaan u qornaa
Dardaaran iyo talo soo jeedin
Shir ay isugu yimaadeen dhaqanka soomaaliyeed kaa soo looga hadlayey dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka oo ay ka mid yihiin abaaraha
Abaaraha
Dalka waxaa ka jira abaaro baahsan oo aafeeyey dad iyo duunyo .
Hadaba waxaan ka codsaneynaa ummadda soomaaliyed gaar ahaan ganacsatada ee ku sugan gudaha iyo dalka dibadiisa in ay u soo gurmadaan waaalahooda oo ay abaaru halakeeyen una fidiyaan gurmad deg deg ah .
Qurbo joogta soomaaliyeed waxaan iyagana ka codsaneynaa in ay gurmad taas la mid ah u fidyaan ummadda soomaaliyeed .
Waxaan sidoo kale beesha caalamka gaar ahaan dowladaha islaamka ah ka codsaneynaa in ay iyaguna la soo gaaraan gurmad deg deg ah oo wax looga qabanayo xaaladaha abaaraha .
Maamulka galmudug .
Waxaan aad uga xunahay qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira maamulkaas in ay u hogaansamaan sharcigii iyo nidaamka ay ku heshiiyen ,xaqa dhowraan beelaha soo dhistay maamulkaa goboleydka galmudug isqabqabsigoodana ku dhameestaan dhinaca sharciga .
Golaha shacabka iyo aqlka sare .
Marka hore waxaan hambalyo iyo bogadin u direynaa anagoo ah odoyasha dhaqanka soomaaliyeed gudoonka golaha shacabka iyo aqalka sare guushii ay ka gaareen dhinaca doorashada ,waxaana leenahay hambalyo .waxaa kaloo idinkuugu hambalyeyneynaa maadaama aad ku dhaqaaqdeen gurmadka baaraha iyo waxqabadka ee hada aad ka dhex wadaan baarlamaanka waana soo dhaweyneynaa waxqabadkaas.
Waxaan kaloo idin rejeyneynaa guul ,waxaan idinkula dardaarmeynaa masiirka ummadda soomaaliyeed gacantiina ayuu ku jiraa ,wuxuu dalka horey ugu dhacay haadaan waa in aad dib ugu soo celisaan haadaantii uu ku dhacay islamarkaana aad soo doorataan hogaamiye dalka iyo dadka ku hogaamin kara cadaalad ,sinaan iyo alle ka cabsi isuna keeni kara ummadda soomaaliyeed .
Sidoo kale waxaan golaha shacabka iyo aqalka sare ka codsaneynaa in ay wax ka qabtaan xuquuqaha ka maqan ciidamada qalabka sida iyo kan shaqaalaha dowlada xuquuqdoodana waa in si deg deg ah ay u meel mariyaan golaha shacabka iyo aqalka sare mideeda kala madaxweynaha sida dastuuriga ah qabo xiligiisii dhamaaday wuxuu ku dhawaaqay in canshuuraha lagu kordhiyo shacabka soomaaliyeed sida uu yiri taasoo wax looga qabanaayo abaaraha hase yeeshee waa mid ayaan daro ah xiligaan uu dalku ku jiro abaaro uu madaxweynaha xilkiisii dhamaaday ku dhawaaqo canshuur kordhin,halka dadkaas tabaaleysan wax looga qaban lahaa iyadoo dalkuna uu ku jiro xaalad abaar .
Sidaa darteed waxaan golaha shacabka iyo aqalka sare ka codsaneynaa in aan lagu kordhin canshuur shacabka soomaaliyeed islamarkaana ay u istaagaan sidii wax logu qaban lahaa abarahaas .
Bayaan ka wadajirka u soo saareen waxaa ku saxiixan 26 ka mid ah madaxda dhaqanka soomaaliyeed .