Howlgal ay xalay sameeyeen Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen rag la sheegay in Xaafadaha degmadaas ay mararka qaar dadka ku dhici jireen
Raggaas oo laba ah yaa waxaa lagu soo bandhigay Saldhiga Degmada Heliwaa ee Gobolkan Banaadir, waxaana ay wateen Bustoolado macmal ah iyo Tooreeyo.
Guddoomiyaha Cusub ee degmada Heliwaa Mire Salaad Dhuxuloow ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay soo qabashada raggaas.
” Waxaan gacanta kusoo dhignay burcad Bastoolado Fake ah iyo tooreyo dadka ku dhacayay, waxaa inaga go’an in aan usoo jeedno ilaalinta hantida Reer Heliwaa! Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada Booliska iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Heliwaa ayuu yiri” Guddoomiye Mire Salaad Dhuxuloow.
Howlgalkan ay Ciidamada Booliska degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir kusoo qabteen ragga Burcadda ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool Xaafadaha degmadaas ay ka cabanayeen rag Burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac u geeysanayay.