Home Afsomali Sahlework Zewdie oo markii ugu horeysay Madaxweyne ka noqotay dalka Ethiopia

Sahlework Zewdie oo markii ugu horeysay Madaxweyne ka noqotay dalka Ethiopia

Haweeney ayaa markii u horeysay Madaxweyne ka noqotay dalka Itoobiya, kaddib markii uu is casilay Madaxweynihii dalka Itoobiya Mulatu Tashome.

Fadhi ay yeesheen Labada Gole ee dalka Itoobiya ayaa Sahlework Zewdie loogu doortay inay noqoto Madaxweyne.

Sahlework Zewdie waa 68 jir, muddo ka soo shaqeeynay Qaramada Midoobey, waxay markii u dambeeyay aheyd Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Midowga Afrika.

Ambassador Sahlework ayaa soo noqotay Safiir wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah, sida Senegal iyo Jabuuti.

Ms Sahlework ayaa noqoneysa haweeneydii saddexaad oo xil sare ka qabata dowladda Itoobiya, waxaa horay Guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya ay aheyd Haweeney, halka Wasiirka Gaashaandhigga ay aheyd Haween.

Is bedelada siyaasadeed ayaa ka dhacay dalka Itoobiya, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare uu noqday Abi Ahmed oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada.

Dhowaan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu magacaabay Gole Wasiiro ka kooban 20 xubnood oo 10 ka mid ah ay yihiin Haween.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.