Home Afsomali Hadii islaanimo ay jirto,hadii Soomaalinimo ay jirto.hadii Bina’ aadanimo ay jirto,hadii Naxariis...

Hadii islaanimo ay jirto,hadii Soomaalinimo ay jirto.hadii Bina’ aadanimo ay jirto,hadii Naxariis ay jirto, hadii Danqasho ay jirto,hadii Masuuliyad ay jirto,

Hadii islaanimo ay jirto,hadii Soomaalinimo ay jirto.hadii Bina’ aadanimo ay jirto,hadii Naxariis ay jirto, hadii Danqasho ay jirto,hadii Masuuliyad ay jirto,

Fadlan  Madaxweyne Farmaajo, iyo Ra’iisal wasaare Rooble, madaxdii dalka ugu sareysay ayaad tahiin ee si deg deg ah wax uga qabta arinta hooyada Soomaaliyeed ee magaceeda la yiraahdo Qaali Maxamuud Guhaad, oo habeen iyo maalin ilmadu ka qubaneyso taas oo sheegtay in gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax muddo laba bilood ah la weysan yahay nolol iyo geeri.

Hooyo qaali waxa ay horey u sheegtay in gabadheeda markii ugu war dambaysay ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA ay leedahay.

Dhabtii waa arin aad u xanuun badan xaalka ay ku sugan tahay Hooyadan Soomaaliyeed,waxaana muuqaal maalintii shalay warbaahinta ay sii daysay oo iyadu ay ka hadlaysay oo aan daawadey waxaa wejigeeda ka muuqanayey niyad jab xoog leh iyo weliba quus, iyadoo sheegtay in albaab kasta ay garaacdey oo xitaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay telefonadoodu fariimo ugu reebtay wax jawaab ahna aysan ka helin oo laga aamusay.

Ilaahay ayaa igu og aad ayaan uga murugoodey dhibta iyo culeyska haysta hooyadan Soomaaliyeed.

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.