Home Afsomali Dhageyso Alshabaab oo Goob fagaaro ah ku taagtay Anfac Xuseen Muxumed

Dhageyso Alshabaab oo Goob fagaaro ah ku taagtay Anfac Xuseen Muxumed

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa fagaaro ku yaal degaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ku toogteen Haweeneey ay sheegeen inay ka tirsaneyd Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle.

Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne ka kala yimid Xaafadaha qaar ee degaanka Shaw, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Haweeneeyda ay Al-Shabaab fagaaraha ku toogteen ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, waxaana Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyneysay Maamulka Hir-Shabeelle kana tirsaneyd Ciidamada Millateriga ee ka howlgallayay Xerada lama galaay ee Magaalada Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa degaannada ay maamulaan ugu toogteen rag & dumar ay sheegeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Linkiga Hoose ka dhageyso Codka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.