Xog laga helay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxeysa in Fahad yaasiin xaaji aadan xalay yimid Adis Ababa .
Taliyihii hore ee hey’adda nabd sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la filayaa in safarkiisu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho halkaasi oo xiisadi uga furan tahay waxaana sii kordhayo edeymaha loo jeedinayo iyo gal dacwadeed lidi ku ah oo gacanta loo galiyey xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida .
Hooyo qaali iyo qoyska ikraan ayaa aamin san in dilka gabadhood ikraan uu ka danbeeyey fahad yaasiin sida dacwada lagu gudbiyey waxayna intaa ku dartay in loo soo jeediyey in ay magta gabadhooda qaataan
Hase yeeshee Qoyska ikraan tahliil ayaa warbaahinta u cadeeyey in aysan jirin, wax mag ah oo ehelka Ikraan ay ku bedelanayaan gabadhooda, isla-markaana ay kaliya ku qanci karaan in tiirka la geeyo shaqsiyaadka hoggaanka u ahaa NISA sida cadulaahi kulane jiis mariixaan fahad yaasii iyo yaasiin faray
Wuxuuna hadda shir qarsoodi ah kula jiraa ninka ah DMI dhamalash.
Wadahadakooda ayey dhiirada ku saarayaan ciidankii Asmara ku maqanaa sidii deg deg loogu soo qaadi lahaa iyo arimo kale
Fahad ayaa ka dalbaday Ethiopia in ay taageero ciidan iyo mid siyaasadeedba u fidiso madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee farmaajo balse waxaa cadaadis lagu saaray in uu gaaro Muqdisho ka dibna soo gudbiyo xaalka dhabta ah ee uu ka kulmo
wixii ku soo kordha naga suga