MAXAY SALKA KU HAYSAA QAFAALASHADA PRO CABDIWAHAAB
Pro Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka mid ahaa qorayaasha dhanka siyaasada ee Soomaaliya oo kuna noolaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa 08-Sep laga qafaashay bartamaha magaalada Nairobi, halkaas oo isaga deegaan u ahayd.
Qafaalashada Pro Cabdiwahaab ayaa timid ka dib markii uu si xiriira u dhaleeceeyey siyaasada guracan ee Ra’iisal Wasaare Rooble, isagoo muujiyey arrimaha khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble inay tahay mid salka ku haysa duulaan dibada kaga yimid Dawladda Soomaaliya.
Haddaba waayitaanka Pro Cabdiwahaab ayey qoyskiisu ku sheegeen in afduubka Cabdiwahaab timid ka dib markii uu qoraagu qaar ka midda Madaxda Soomaaliya si ba’an u dhaliilyey, dhibsadeen qoraaladiisa iyo dhacdooyinka uu soo bandhigayo ee ku saabsan siyaadada gacan ku rimiska ah ee Ra’iisal Wasaare Rooble, taasina keentay in Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad hal mar hawada laga qariyo.
Sida xaqiiqooyin ay tibaaxayaan, lagana soo xigtay ehelada Pro Cabdiwahaab ayaa ah in Ra’iisal Wasaare Rooble ka dalbaday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in ay muhiim u tahay in Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad lagu hayo goob qarsoon, bulshadana laga dahaaro ilaa inta loolanka siyaasadeed ee uu Madaxweyne Farmaajo kula jiro dhamaanayo. Qafaalashada Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa waxaa fudaydiyey Sirdoonka Kenya oo amar ka haysta dhanka Madaxtooyada Kenya.