Hay’adda Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa warbixin dheer kasoo saartay khilaafka hareeyay madaxda federaalka Soomaaliya, warbixinta oo ciwaan looga dhigay “Madaxda Soomaalida dab ayay ku dheelayaan”, oo aan soo akhriyay ayaan kusoo koobayaa dhawrkan qodob ee iiga dhex baxay.
– Rooble guddi ayuu bishii June u saaray in ay soo baaraan arrinta ciidanka Eritrea tabobarka loogu diray
– Isla bishaasi waxaa la afduubtay Ikraan oo xog badan ka haysay ciidamada Eritrea ku maqan
– Farmaajo wuxuu keenay shuruudo adag oo uu Rooble diiday in uu aqbalo, waxaa ka mid ahaa in la baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil, kadib markii dalabaadkiisa ay socon waayeene wuxuu ku dhaqaaqay in uu saraakiil magacaabo
– Yaasiin Cabdullaahi Faray wuxuu maamuli jirey Godka Jilacoow, waana nin Fahad aad daacad ugu ah, qibrad badana aan lahayn sida warbixinta xuseyso.
– Duufaan waa ciidan ka kooban dagaalamayaal Alshabaab kasoo baxsaday oo Fahad daacad u ah
– Iska hor imaad ayaa qarka loo fuulay, waxaana isku dhici gaaray ciidanka Duufaan iyo Waran
– Sargaal Gaashaan ka tirsan waxa uu u sheegay ICG in aysan u kala hiilin Farmaajo iyo Rooble, ee marki Rooble amniga lagu wareejiyay ay isaga mas’uuliyad ahaan ay hoos tagayeen.
– Waxay ICG ku talisay in Dadka labada baasaboor haysta in la cunaqabateeyo socdaal ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
– Haddii Rooble Meesha laga saaro waxaa burburaya hannaanka doorashada.