24 saac kadib Weerarkii ka dhacay Koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Ceel Gaabta ayaa waxay al-shabaab soo bandhigtay qofkii isku Qarxiyay Halkaas iyo Deegaanka uu ka soo jeedo.
Wareysiga uu bixiyey naftii haligahaan ayuu ku sheegay in lagu magacaabo Maxamed Amiin Xaaji Xubbi loona garan ogaa (Carafaat).
Waxa uu sheegay naftii Haliga ah in uu ka soo jeedo Magaalada Muqdisho ama u uku dhashay Caasimadda Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhashay Beesha Shabeelle, gaar ahaan Reer Geedow.
Ninkaan oo ahaa 20 jir ayaa markii hore ka tirsanaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab ee ka dagaalamo Gobolka Shabeelada Hoose ka hor inta uusan ku biirin qeybta is-qarxinta, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyey.
Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda, iyadoo sheegtay inay ku dishay 16 qof oo ka tirsan Dowladda.