Home Afsomali Diyaaradaha Kenya oo markale duqeeyey Somalia oo iyadu iska burburisay  diyaaradaheedii dagaal

Diyaaradaha Kenya oo markale duqeeyey Somalia oo iyadu iska burburisay  diyaaradaheedii dagaal


Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa saaka waxaa ay duqeymo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dadka ku nool tuulooyin hoostaga degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegeen in saaka waaberigii hore ay ku bilaabatay duqeynta, waxaana degaannada la duqeeyay kunool dad Reer Miyi Xoolo dhaqato ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeynta ay ku dhaawacmeen dad rayid ah sidoo kale lagu baabi’iyay Xoolo ay lahaayeen dadka Reer Guuraaga ah.

Todobaadkaan waa markii Saddexaad oo Ciidamada Kenya ay duqeyn ka fuliyaan degaannada hoostaga degmada Ceelwaaq, waxaana weli ka hadlain laamaha Amniga degmada iyo dowladda Federaalka ah ee Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.