Home Afsomali Kooxo Hubeysan oo watay doomaha dheereeya oo xeebaha dalka Somaliya ku dishay...

Kooxo Hubeysan oo watay doomaha dheereeya oo xeebaha dalka Somaliya ku dishay qaar ka mid ah dabatada malaayga

xeebta-kaluunka

Kooxo hubeysan oo watay markab kaluumeysi oo si sharci daro ah uga kaluumeysanyey ayaa toogasho ku dilay kaluumayesato soomaaliyeed xili ayku sugnaayeen jaziirado ku yal dalka Gudihiisa

Kooxahaan oo saarnaa doomo kaluumeysi ayaa kaluumeysatadii soomaaliyeed ka dilay laba badmaax waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen 9 kale ka dib markii ay risaas ku fureen

Kalluumeysatadaa ayaa kasoo jeeda jaziiradaha Kudha iyo Madhawo iyo weliba mid u dhexeysa labadaa oo la yiraahdo Jawaza Hasani.

Wali waxaan la xaqiijin dalka leh markabkaa dadka saarnaa ay sida masuuliyad darrada ah u dhaqmeen ee ay ku laayeen kalluumeysato masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in doomaha markabku xabbadaha ku furay ay saarnaayeen rag hubeysnaa.

Waziirka Warfaafinta ee Jubaland, C/Nuur Cali Aadan ayaa hase ahaatee warfidiyeenka u xaqiijiyay in doomuhu ahaayeen doomo kalluumeysi dilka iyo dhaawaca kalluumeysatada loo geystana ay yihiin xadgudub.

Wuxuu ku tilmaamay in markabkaa ay wateen burcad badeed [shisheeye]. Doomaha ayaa 9 ahaa.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe maraakiibta shisheeyuhu ku soo xadgudbayeen ayagoo boob iyo bililiqo ku haya kheyraadka badda dalka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.