Home Afsomali Musharaxa Madaxa Dheerow Hankaaga Hoos U Dhig by Saciid Ciise

Musharaxa Madaxa Dheerow Hankaaga Hoos U Dhig by Saciid Ciise

saciid-ciise

Soomaaliya waxaa la isku diyaarinayaa doorasho dhacda 2016 – 2017ka, waxaana kor u kacay tirada musharixiinta, islamarkaasna waxaa hoos u dhacay maalgelinta ololihii musharixiinta. 2012ka xiligii ay socotey doorashada waxey musharixiintu tartankooda ku muujinayeen ololo siyaasadeed oo ay kula dhexjireen dadweynaha, taas hadda waxaa bedeshey musharixiinta ah madaxda dowladda iney xaafiisyada dowladda ku qabtaan warsaxaafadeed oo ay ku muujiyaan iney yihiin musharixiin, kuwa rayidka ahna ay adeegsadaan aalada Internetka, gaar ahaan warbaahinta bulshada. Wax intaas ka badan oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah weli tartanka doorashada kuma soo kordhin, waxaana si weyn u muuqata in hanka siyaasiyiinta ah musharaxa uu ku yimid hoos u dhac, laakiin uu xoogan yahay rabitaankoodu. Xaaladaha ugu weyn oo kaliftay in isbedel ku yimaado duruufaha ay wajahayaan danaha siyaaasiyiinta madaxbanaan oo u tartamaya xilalka madaxtinimada dalka waxey ku soo uruurayaan shan sababood oo saldhig u ah tuhun iyo kalsoonidarro laga qabo abaabuleyaasha doorashada. Waxaan jecelahay marka aad tixraaceysaan sababaha in aad garashada aad ku fiirineysan caqabadaha ineysan ka marnaan inaad dareentaan lacagtu meesha ay u socoto.

Jadwalka Doorashada: Madaxda sare ee dalka oo horay ugu fashilmay waxqabadkii iyo balanqaadyadii ay shacabka u sameeyeen 2012ka ayaa hormuud u noqday dejinta qorshaha jadwalka doorashada, iyagoo sida caadada u ahayd laablakacnimo aan daacadnimo wehlin iyo masuuliyaddarro ay ka muuqato xilkasnimoxumo ku jaangooyey jadwalka doorashada oo weliba aysan isweydiin miisaaniyadda ku baxeysa doorashada cida bixineysa. Waxaa guuldaro ku dhamaaday jadwalkii doorashada laga soo saaray kulankii Madasha Wadatashiga Qaranka ugu soo dhamaaday Baydhabo Juun 25, 2016ka, waxaana dib loo curiyey mid labaad oo lagu soo curiyey kulanka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ku soo dhamaaday Muqdisho Agoosto 9, 2016ka, kaas oo aan soo kordhin wax natiijo ah. Waxaa hadda laga xishoonayaa in lagu dhawaaqo jadwal cusub oo ay ka dhalan karto iney kala xarig furtaan madaxda Soomaalida iyo wakiilada bulshada caalamka. Cabsidaas jirta awgeed ayaa haddana waxaa muuqata in abaabulka doorashada ay ka culus tahay sida loo maleynayo oo hawlaha horyaala si ay u qabsoonto doorasho aysan suurtogal ahayn in lagu qaban karo wakhtiga dhiman. Ku dhaqanka jadwalka waxaa ku hor go’an dhibaatooyin si laablakaca horay loogu qaatay, sida: miisaaniyada doorashada oo aan gacanta ugu jirin gudiga doorashooyinka, madax-dhaqameedka oo dhibaato ka haysato soo xulida qondada haweenka, gudiga khilaafadka oo aan la dhisi karin iyada oo ay maqan tahay xubnaha matelaya musharixiinta heer qaran ama heer gobol, iyo amniga doorashada oo ay adag tahay in lagu aamino maleeshiyaadka dowlad-goboleedyada iyo kuwa Xamar. Tani waa caqabad horjoogta ineysan sugneyn wakhti cad oo dalka ay ka dhacayaan doorashooyin, waxeyna astaan u noqotay saadaasha muujineysa ineysan doorasho sannadkan dhaceyn.

Bulshada Caalamka: Wakiilada wadamada daneeya Soomaaliya oo hogaamiye looga dhigay wakiilka UNka ayaa Soomaaliya ugu yaboohay lacago balaayiin dollara, waxaana dadaalada kaalamada Soomaaliya lagu soo aruurinayo horseed u noqotay dowladda Ingriiska oo lacagihii faraha badneyd ee magaca Soomaalida lagu soo yaboohsaday ku naasnuujiyey shirkadaheeda oo lacagta inta badan ku dhameysatay la dagaalanka burcad badeeda. Waxaa la qiyaasaya in lacag dhan 6 bilyan oo doolar oo ah kaalmada Soomaalida la siiyey 4 sanno oo ay jirtey dowladda Xasan Shiikh in 700 oo malyan oo ka mida lacagtaas in loogu talagalay dimoqaraadiyeynta Soomaalida oo ahayd iney daboosho qarashka ku baxaya doorashooyinka la qorsheeyey iney Soomaaliya ka dhacdo dabayaaqada sannadka 2016ka, lacagtaas oo aan waxba laga haynin maanta. Markii ay dowladda Ingiriiska dhameysatay lacagahii ay magaca Soomaalida ku soo yaboohsatay ayey Soomaaliya uga dhaqaaqday meel cidlo ah. Waxaa xasuus mudan in 2013ka dowladda Ingriiska ee uu hogaaminayey David Cameron uu madaxweynaha Soomaaliya u abuuray indhosarcaadin sumcad caalamka laga abuurayo kalsooni, waxaana taas marqaati ka ah sida dowladda Ingriisku ugu dadaashey kolkoolinta madaxweynaha Soomaaliya oo ay xubin sharfeed uga dhigtay xafladii dhalashada boqoradda Ingriiska, ka qeybgelinta kulanka G20 oo ka dhacayey wadanka Ingriiska, xayeysiinta jariidada Times oo laga dhigay madaxweynaha Soomaaliya shaqsiga 57 oo ka mida boqolka hogaamiyeyaal ee aduunka ugu saameynta badan, iyo in Soomaaliya Bangiga Adduunka iyo IMFta ay u furaan Soomaaliya fursado ay deyn ku qaadan karto si ay Soomaaliya heshiisyo ula geli karto caalamka intiisa kale. Soomaaliya oo madaxbanaanideeda la hoos geeyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey inta ay amaankeeda dib ula soo noqoneyso ayaa haddana waxaa muuqata in arrimaha Soomaaliya si gaara loo hoos geeyey wadanka Ingriiska, waxaana taas cadeyn kuugu ah in wakiilada UNka ee Soomaaliya ay ka yimaadaan wadanka Ingriiska. Wakiiladaas Ingriiska waxey doorashada xujo uga dhigeen in 30% xildhibaanada ay noqdaan haween, taas oo wakhtiga doorashada caqabad ku noqotay, waayo dhaqanka Soomaalida kuma fududa in bulshada ay haweenku ka noqdaan wakiilo hogaaminta dalka ku leh miisaan culus, waana taas mida bulshada Soomaalida u diidey in ay beelna yeelato hogamiye dhaqameed haween ah. Waxey kaloo wakiiladaas Ingriiska meesha ka saareen ineysan bulshada caalamku dusha u ridan karin kharashka ku baxaya doorashada oo ay tahay in kaalmada dowladda dhexe iyo kuwa goboladu ka helaan wadamada ay saaxiibka yihiin iney ku furdaamiyan qarashka ku baxaya doorashada. Dhagarta Bulshada Caalamka oo dib uga guraneysa balanqaadyadii ay u sameeyeen Soomaaliya waxey xoojisey tuhunka ay qabaan musharixiinta oo muujinaya in warmurtiyeedkoodu uusan daacad ka ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xaqa.

Xildhibaanada Qaranka: Dalka oo dhan waxaa ka socda olole hoose oo ay wadaan dad gacansaar la leh madax hantida dalka horay u soo boobtay, ujeedaduna waa in shacabka Soomaaliyeed xildhibaano looga dhigo wakiilo idman oo degan magaalada Muqdisho, taas oo meesha ka saareysa ineysan imaneyn xildhibano degen gobolada dalka oo matelaya degaanada ay degen yihiin. Ceebta ugu weyn waxey ka imaaneysaa wakiilada matelaya bulshooyinka Somaliland oo dhamaantood laga soo wada xulayo dadka ka jooga magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan lahayn cod rasmiya oo ay ku mateli karaan degaanada ay ka soo jeedaan, waxeyna cododkoodu miiska u saaran yihiin kooxaha abaabulan oo halista ku ah jiritaanka joogitaankooda Muqdisho. Inta badan dadkaas waa miro u bisil goofleyda Xamar, waayo wakiiladaas awood uma leh iney ka shaqeeyaan danaha degaanadooda, taas oo kalifeysa iney degaan ka dhigtaan Muqdisho oo ay ka shaqeeyaan danahooda iyo maslaxada ay kula degen yihiin Muqdisho. Wakiilada ka imaanaya Puntland ayaa ah caqabad kale oo muujisay iney boobtay xuquuqda dadka Khatumo iyo Maakhir oo aan xildhibaanadoodu mateleyn dadka degaankooda, waxeyna tiro kororsigeedu halis ku tahay dhismaha aqalka sare oo Puntland ay dooneyso iney aqlabiyad ku yeelato, taas oo horseedi karta dibudhac ku timaada xiliga doorashada ama gebi ahaanba in la joojiyo jiritaanka aqalka sare oo ay ka soo horjeedaan dadka degan Muqdisho oo weliba ay garab taagan yihiin madaxda ugu sareysa dalka. Waxaa intaas dheer ineysan fari ka qodneyn abaabulka loogu talagalay isku soo aruurinta ergooyinka dooranaya xildhibaanada iyo dejinta meelo amniya oo ay ku noolaan karaan inta ay socoto doorashooyinka. Xarig-jiidka xulista xildhibaanada wuxuu u muuqda inuu qaadanayo wakhti ka dheer midka loogu talagalay, waxaana sabab u ah isqabsiga ka dhexjira xujooyinka ay isku hiifayaan madaxda dowlada dhexe, kuwo gobolada, iyo hogamiyeyaasha dhaqanka oo dhamaantood wada doonayaan suuqgelinta wakiiladooda. Xildhibaanada ku soo adeysa bulshooyinka degen Dhuusamareeb, Beldweyn, iyo Xamar waxey halis ugu jiraan in la boobo qeybtooda oo sida muuqata tabcanayaal heybwadaag la ah looga soo xulayo magaalada Xamar. Caqabada la xiriirta xulista xildhibaanada waa xudunta burburka u keeni karta qabsoomida doorashada, waxeyna u bahan tahay xeelad looga gudbi karo oo qaadan karta mudo aan ka yareyn 6 bilood.

Gudiga Doorashooyinka: Xubnaha ka tirsan inta badan waxaa soo xushay madaxda dalka, tiro yar oo kamida ayaa ka noqon kara dhexdhexaad, waxaana ku furan dood ku saabsan madaxbanaanidooda iyo sharci ahaantooda. Sida sharciga dalka u degsan uu qabo waxey ahayd inuu soo magacaabo barlamaanka Soomaaliya oo gudiga baarlamaanka ee doorashooyinka ay kula soo noqdaan go’amada u baahan xalinta caqabadaha ka horyimaada. Xaalada khatarta ah ee gudigaas ka hor imaneysa ayaa ah Gudiga Madasha Qaranka oo iyaga soo magacaabey oo wakhtigiisu dhamaaday, baarlamaanka oo sharci ahaan uu wakhtigiisu dhamaaday, iyo xilalka gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha oo wakhtigii sharcigu u ogolaa uu dhamaaday. Waxaa la is weydiinaya cida ay ka amar qaadanayaan inta lagu gudo jiro doorashada, waayo ma jiro madaxweyne kafiila(caretaker president) oo hogaminaya koox dhexdhexaada oo dalka gudbisa inta ay doorashadu ka dhaceyso. Gudigu wuxuu qarka u saaran yahay inuu fashilmo haddii uu mar labaad isku dayo inuu codsado wakhti kordhin iyo in doorashadu ay dib u dhacdo, waxaana muuqata wakhtiga u harsan ineysan xataa hawlaha doorashada ku bilaabi karin. Waxaa gudiga horyaala iney sameyso wacyigelin guud, tababarida hogaamiye dhaqameedyada, ergooyinka, iyo baahinta wararka doorashooyinka. Hawlahaas waxey u baahan yihiin socdaal iyo safar joogto ah, dabacaada dokumentiyada iyo aqoonsiga doorashooyinka, iyo maamulida adeegyada doorashooyinka oo dhamaantood u wada baahan dhaqaale fara badan iyo wakhti dheer oo ay ku gutaan meelmarinta himilooyinka doorashada. Ma muuqato sida sahalka ah ee loo leeyahay doorashadu waa u dhaceysaa iney ku qabsoomeyso wakhtiga loogu talagalay iyo wakhti u dhow. Waxaa cabsi laga qabaa marka ay wada dhamaadaan wakhtiga ay jirayaan hayadaha dowladda in Bulshada Caalamka ay sameyso faragelin toosa, gudiga doorashooyinkuna  iyaga toos uga qaataan amarka ay ku maamulayaan doorashada, taasna waxey dhalineysaa kalsoonidarro lagu qabo natiijada doorashada oo loo xaglinayo in Bulshada Caalamka ay Soomaliya u soo xuleyso hogaamiye ay wadato oo u adeegaya danahooda gaarka ah iyo maslaxada mashruucyadooda.

Maalgelinta Ololaha Doorashada: Doorashada la filayo iney dhacdo 2016 – 2017ka waxey ku soo kordhisey dhaqanka ololaha tartanka qaab cusub oo looga maarmay dhaqaalo badan oo caado ahaan ku bixi jirey qabanqaabada musharixiinta ay ugu jiraan doorashada. Musharixiinta waxaa u muuqata in balanqaadka xildhibaanada aan la isku haleyn karin, waxaa sidoo kale burburay koox-diimeedyadii iyo beelihii qaaraanka iyo maalgelinta u aruurin jirey si ay u soo saaraan musharaxooda ay ku hantinayeen haykalka dowladda, waxaana uu gabaabsi ku yimid taageeradii maliyadeed oo ka iman jirtey wadamada deriska iyo kuwa Carabta. Arrimahaas oo dhan waxey abuureen in madaxdii dalka horay u soo maamushay oo musharixiinta kale ka madax dheera in hankoodii soo gaabtay oo ay weliba ka hooseeyan rajada ay qabaan musharixiinta madaxbanaan oo aan dalka xilalka ka soo qaban. Guud ahaan musharixiinta waxaa la soo deristey taageero la’aan dhaqaale, waxeyna ku qasabtay musharixiinta intooda badan iney ololahooda u weeciyaan warbaahinta bulshada(social media) iyo iney gaabsadaan, waayo salaanta la soo salaamo musharaxa waxey ka turjumeysa baaq ah dhaqaale bixin. Musharixiin badan waxey ka fogaanayaan meelaha ay ku kulmaan bulshadu iyo iney wakhti hore yimadan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinku, waxeyna qaarkood qiil ka dhiganayaan amaankooda oo aan sugneyn, inkasta oo ay cadahay in Soomaalidu aysan waxba isku dheereyn joogitaanka Muqdisho. Saadaasha codka xildhibaanada ayaan ku xirnaan doonin laaluush lacageed oo musharixiintu aysan bixineyn dhaqaalexumo haysata awgeed iyo cabsida ay ka qabaan dabagalka Bulshada Caalamka, sidaaas oo kale kuma xirna iney musharixiinta ku kala doortaan fikirkooda, daacadooda ama wadiniyadooda, taas oo musharixiinta ugu muuqata nasiibkiisa inuu wax ku helayo ama uu aamino sixiroole uu u adeegsado indhosarcadinta xildhibaanada.

Doorashada la rajeynayo iney dhacdo sannadkan waa mid u muuqata ineysan dhaceyn, waxeyna fashilkeedu salka ku haysaa ceeb soo gaarta Bulshada Caalamka oo ka gaabiyey iney si dhow ula socdaan qorshaha doorashada. Madaxda sare oo ah musharixiin waxaa doorashada ka hor u balansan iney soo gutaan Xajka, halkaasna ay isaga soo mayraan dembiyadii ay ka galeen shacabka iyo xatooyadii ay kula kaceen hantida qaranka, waxeyna soo noqonayaan iyagoo noqday xalay dhaley, kuwaas oo ka mid noqonaya musharixiinta xalaasha ah oo hankoodu hooseeyo.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamud(SACIM)

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed

Musharax Madaxweyne 2016 – 2017ka

Previous articleKooxo Hubeysan oo watay doomaha dheereeya oo xeebaha dalka Somaliya ku dishay qaar ka mid ah dabatada malaayga
Next articleSomaliland oo xubin ku yeelatay Hogaamiyayaasha madasha Qaran iyo ismariwaa hareeyey in ay go,aanmo ka soo baxan

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.