Maamulka Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysey ceerigaabo ee gobolka sanaag bari
Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka ka soo jeedo deegaanada Koonfurta Soomaaliya.
Dhowr todobaad ka hor ayay Somaliland dadkaasi u qabatay inay uga baxaan muddo 15 Maalmood ah, taas oo ku ekeed maalin ka hor , waxaana ay daba socotaa tallaabadii dadka looga musaafuriyay laascaanood.
Wadooyinka Waaweyn iyo Goobaha Ganacsiga magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo Boolis ah, kuwaas oo baadi goobaya dada kasoo jeeda Koonfirta Somalia si ay u qab qabtaan.
Bishii bore Somaliland ayaa dad u badan kuwa kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed waxaa ay kasoo musaafurisay magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.