Xogta rasmiga ah ee dagaalada khaasaraha gaystay ee ka dhacay magaalada Guriceelee ee Gobolka Galgaduud ayaa ah kuwa aad loogu jahwareeriyay bulshada Soomaaliyeed, laakiin xaqiiqada dhabta ayaa ah in dagaalka uu ahaa mid ay gacan xoogan ay ka gaysteen wadamo shisheeye oo marina hoose lacago iyo hub u soo marsiiyey hoggaanka ASWJ, kuna dhiirigelinayay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deeganada muhiimka ah ee Galmudug oo iyaku iminka laga leeyahay dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo isbarkan.
Siada bulshada badankeed ka war qabto, dowladda Imaaratka Carabta ayaa dhaqaale ku dhaw 5 milyan oo hor-u-dhac ah, Saanad Milatari, Hubka fudud oo bishii July ee sannadkan ku bixisay dagaalka iminka ku ekaaday Guriceel, balse qorshuhu ahaa in uu gaaro magaalooyinka waaweyn ee Ggalmudug.
Haddaba dhammaan hawlahaas dagaalka lagu fudaydinayey ayaa la soo marsiiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, oo isna qeyb kamid ah lacagahaa oo lagu tilmaamay hor-u-dhac ku wareejiyay madaxada sare ee ehlusuna, xiligii ay Puntland ku sugnaayee. Haddaba sababaha soo dadajiyay dagaalkan ayaa la rumeysan yahay in ay tahay dano iswaafaqsan oo kala ujeeda ah oo laga leeyahay deegaanada Galmudug kuwaa oo aanan la gaari Karin haddii uu xasilooni dareemo Maamulka Dowlad Goboleeedka Galmudug ee wakhti xaadirkan talada maamulka haya.
Ujeedooyinka ka danbeeya dagalkan oo ah dhawr ujeedo ayaa kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mida Dekada Habyo oo ah mid dardar balaaran ku socoto howlaha lagu yagleelayo iyo nidda kale oo ah ololaha doorasho ee Aqalka Hoose ee dhawaan la filayo in ay ka bilaabato deeganada, kuwaa oo la aaminsan yahay in ay saameyn xoogan ku leeyihiin doorashada guud ee dalka.
Dadka indho indheeya siyaasada oo taxliiliyay arrinkan midaynaya danaysa Madaxda Puntland iyo Imaaraatka ayey sheegeen in hadafka ugu weyni tahay in Siciid Deni uu yahay Musharaxa Madaxweynaha Dowladda Federaalka islamrkaana yahay shaqsiga ay ugu kalsoonida badan yihiin dowladda Imaaraatka, ayna doonayaan in wado walb uu ku noqon karo madaxweynaha Soomaaliya ay maraan, sidaa darteedna ay isla afgarteen in meesha laga saaro maamulka Galmudug oo hoggaankiisu caqab ku yahay qorshahaas, uga yaraana deeganaadaa ay saameyn ku yeeshaan ASWJ si awood qeybsiga ay ugu haleen xildhibaanadii u codeyn lahaa Deniga Puntland.
Waxaa iyana la og yahay in qaar ka mid ah Madaxda puntland ay Madaxweyne Deni kaga hor yimaadeen ku lug lahaanshaha dagaalada ka socda Galmudug, waxaase la tilmaamay in uu ku qanciyay arrimo ganacsi oo uu sheegay in furitaanka Dekada Hobyo ay caqabad ku noqon doonto suuqa Dekadaha Waaweyn ee Puntland taas oo ugu danbeyn ay ku qanceen.
Dhammaan xogahaasi waxa ay sababeen in mucaarad, muxaafid iyo Dowladda Fedaraalka ahba si isku mid ah ugu midoobaan duulaanka ku wajahan Galmudug, middaas oo ugu danbeyn meesha ka saartay damacii Imaaraatka iyo xulafadii ASWJ ay ku gambanayeen.