Home Afsomali Rag lagu helay Al Shabaabnimo oo ka baxsaday Xabsi kuyaal Gaalkacyo

Rag lagu helay Al Shabaabnimo oo ka baxsaday Xabsi kuyaal Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in xabsi si aad ah loo ilaaliyo oo ku yaalla halkaas ay ka baxsadeen rag xukunsanayaal ah, oo qaarkood ay kamid ahaayeen Al Shabaab.

Saldhigga ay ka baxsadeen raggaan waxaa lagu xiro dadka lagu halo kamid ahaanshaha kooxaha Al Shabaab & Daacish. Waxaana tirada xalay jabsaday mid kamid ah qolalka ay ku xinaayeen lagu sheegay in ay ahaayeen Todoba ruux.

Saraariil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in mid kamida maxaabiistii baxsatay ay toogteen, halka mid kalana uu soo gaaray dhaawac, kaas oo hadda xaaladdiisa lala tacaalayo.

Waxaa kale oo ay xuseen Booliska in ay qabteen Maxaabiis isku dayday falkan, mase jiraan warar madax banaan oo dhacdada xaqiijinaya, xili warar sheegayaan in 3 xukunsane ay baxsatay.

War kasoo baxay Taliska Booliska Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa lacag dhan Laba kun oo Dollar dul dhigay Saddex qof oo kala ah Xasan Isaaq Maxamed, Maxamed Cali Maxamed (Istakin), & Liban Ciise Cali (Madax kariye), kuwaas oo ay Maxkamadda Ciidamada qalabka & dambiyada culus ee Puntland ay xukuntay dil toogasho.

Waxaa lagu sheegay sidoo kale warka ay soo saareen Booliska, qofkii soo sheega meel ay ku sugan yihiin, aan cid kale ogaan doonin, abaal marintiisana la siin doono.

Bulshada Gaalkacyo ayaa su’aallo ka keenay waxa fududeeyey in rag dil ku xukunnaa ay xabsiga ka baxsadaan, iyaga oo codsaday in baaritaan dhab ah arrintaan lagu sameeyo, oo aan sidaas looga harin.

Saddex ruux oo ay baadi goobayaan Booliska Puntland ayaa horay u qirtay in ay dilal dhowr ah ka geysteen Magaalada Gaalkacyo Wuqooyigeeda oo ay Puntland Maamusho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.