Kulan baraalan oo ay iskuugu yimaadeen waxgaradka iyo odoyasha dhaqanka Hawiye ayey teegeero iyo isgarab istaag ah u muujiyeen Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hormoodka ka yahay Gudoomiye Cumar Maxamed Maxamuud Cumar finish talaabadii uu dhawaan ka qaday ardayda iyo iskuulad gobolka banaadir oo ay ku tilmaameen Arin ku dayasho mudan
iyaga oo uga mahadcliyey majhadka waxbarshada jiilasha soo korayo waxayna ku baaqeen in goobihii waxbarasho ee ka maqan gcanta dowlada la soo qarameeyo si wax loogu barto
wasiirka waxbarashada ayeyey ugu baaqeen in mihnooyinka waxbarasho ay u sidaanaa Gobolka Banaadir iyo goldogob oo uu ka soo jeedo wasiirku
dhamaan masuuliyiintii madasha ka hadalada ka soo jeedisay waxaa aragti mideysan ka qaatay in ilaara lagu eego ardayda wax ku barato gobolka banaadir
WARSAXAAFADEED Jamhuuriyada HUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
ODAYAASHA BEELAHA HAWIYE EE SOOMAALIYEED
TAAGEERIDDA IYO GARAB-ISTAAGGA MAAMULKA GOBALKA BANAADIR
IYO XAL U HELLIDA KHILAAFKA KA DHAXEEYA WASAARADDA
WAXBARASHADA IYO MAAMULKA.
Sida la wada ogsoon yahay mudooyinkaan waxaa socday khilaaf iyo isfaham la’aan ka
dhaxeysa Maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,
khilaafkaas oo salka ku haaya maamulka adeegayda waxbarashada gobalka Banaadir.
Haddaba iyada oo laga duulayo khilaafkaas ayaa waxaa odayaasha beelaha hawiye
maalmahaan u socday kulamo iyo wadatashiyo looga hadlaayay sidii odayaashu kaalintooda
uga qaadan lahaayeen xal u hellidda khilaafkaan mudda socday isla markaasna ay madaxda
dalka ugu soo gudbin lahaayeen talooyin ay u arkaan in lagu xallin karo khilaafka laguna
horumarin karo adeegyada waxbarashada Gobalka Banaadir.Odayaashu waxay halkaan ku soo gudbinayaan qodobbada hoos ku xusan:
1. Odayaashu waxay u soo jeedinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka in
aysan ka aamusin ayna wax uga qabtaan si degdeg ah khilaafka ka dhex jira
Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Gobalka Banaadir oo ku saabsan adeegyada
waxbarashada.
2. Odayaashu waxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya u soo jeedinayaan in ay
maamulka Gobalka Banaadir ula macaamiisho si la mid ah maamullada kale ee dalka
ka jira.
3. Odayaashu waxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya u soo jeedinayaan in ay
Maamulka Gobalka Banaadir u madax banneyso maamullidda iyo horumarinta
adeegyada waxbarashada gobalka.
4. Odayaashu waxay Maamulka Gobalka Banaadir u soo jeedinayaan in ay si gaar ah
xoogga u saarto horumarinta xafiisyada bixiyada adeegyada bulshada gaar ahaan
waxbarashada iyo caafimaadka.
5. Odayaashu waxay bogaadinayaan isla markaasna ku dhiiragelinayaan Maamulka
Gobalka Banaadir gaar ahaan Agaasinka Waxbarashada, dedaallada hagar la’aaneed
iyo tayeynta waxbarashada ee muddadii uu shaqada ku jiray.
6. Odayaashu waxay halkaan ka caddeynayaan in Agaasinka Waxbarashada Gobalka
Banaadir uu wax badan oo isbeddel ah ku soo kordhiyay waxbarashada gobalka agar
ahaan tayeynta iyo horumarintada adeegyada waxbarashada.
7. Odayaashu waxay ugu danbeyn halkaan uga dirayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo
Maamulka Gobalka Banaadir baaq ku saabsan in xal loo helo khilaafka ku saabsan
adeegyada waxbarashada isla markaasna ay ka wadashaqeeyaan sidii loo horumarin
lahaa adeegyada waxbarashada loona gaarsiin lahaa deegaannada uu ka kooban yahay
Gobalka Banaadir.
Wabillaahi tawfiiq
Dhammaad