Home Afsomali Baanka Dhexe ee Somaliland oo bilaabay Adeegga E-Money

Baanka Dhexe ee Somaliland oo bilaabay Adeegga E-Money

Baanka Dhexe ee Somaliland oo bilaabay Adeegga E-Money

Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa daah-furay adeegyadii ugu horreeyay ee E-Money ee dalka laga hirgeliyo.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ah Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xadhiga ka jaray xarunta cusub ee Baanka dhexe ee magaalada Togwajaale.

Mukhtaar Cabdi Quulle, Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe, ayaa shaaca ka qaaday in adeegga lacagta elektaroonigga ah uu u oggolaan doono canshuur bixiyayaasha inay si hufan u xareeyaan xisaab-celinta canshuuraha.

Quulle waxa uu ka hadlay munaasibad lagu daah furayay laanta Baanka dhexe ee Togwajaale.

Daah-furka laanta cusub iyo adeegyada e-Money ayaa dhacay 31-kii Oktoobar.

Injineer Cali Cabdilaahi Daahir Gudoomiyaha Baanka Dhexe ayaa sidoo kale ka qayb galay furitaanka xaruntan cusub iyo ka qayb galayaasha adeega e-Money.

Mukhtaar waxa uu xaqiijiyey in adeegyadan cusub ay shacabka Somaliland – oo ay ku jiraan ganacsatadu – u fududayn doonto inay si fudud u helaan adeegyada dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.