Waxaa maanta ka dhacaya magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo doorashooyin ku celis ah oo loo sameynayo saddex ka mid ah kuraasta xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Somalia.
Mid ka mid ah Kuraastan la laalay oo doorashadiisu horey uga dhacday magaalada Cadaado ayaa waxaa ku guuleystay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo la dhashay taliyaha heyadda nabad sugida Somalia, waana mid ka mid ah kuraasta beesha Murusade, hase ahaatee madasha wada tashiga ayaa laalay doorashada shan kursi oo uu ku jiro kursiga C/qaadir Gaafow muran ka dhashay awgeed, waxayna sheegeen in dib loogu noqonayo.
Guddiga doorashada xubnaha aqalka hoose ayaa kursigan ka soo wareejiyey magaalada Cadaado, waxayna maanta doorashadiisu ka dhacday magaalada Muqdisho.
C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa mar kale ku soo baxay doorashada kursigan, isagoo helay 50 cod ka dib markii uu ka guuleystay Zakariye Maxamed Cosoble oo ahaa musharax boos celis ah oo isagu uu watay, iyadoo ergooyinka wax dooranayey ay wararku sheegayaan iney ahaayeen kuwo uu soo xushay Xildhibaan C/qaadir Gaafow.
Dhinaca kale, doorashada labo kursi oo ka mid ah shantii kursi ee la soo celiyey ayaa iyana maanta ka dhaceysa magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.
Magaalada Kismaayo waxaa ka dhaceysa Doorashada Kursiga Beesha Gaaljecel/Doqondiide waxaana ku tartamaya Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar oo horay Guddigii doorashada ee Jubbaland uga joojiyay Tartanka iyo ninkii kursigan horay ugu guuleystay oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir.
Kursiga labaad ee doorashadiisa ka dhaceyso Baydhabo ayaa waxaa ku tartamaya illaa saddex musharax oo ay mid tahay haweeney lagu maagcaabo Xalima Maxamed Cabdi, Sheekh Shaacir Maxamed iyo Mukhtar Hassan Yarow.
Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu qabtay labo maalin ka hor doorashada kursiga Beesha Ugaar salebaan oo mar kale dib loogu doortay Cabdi Maxamuud Maxamed kaasoo ka mid ahaa shanta kursi ee la soo celiyey.
Shantii kursi ee horay loo laalay ayaa waxaa ka dhiman hal kursi oo aan doorashadiisa wali lagu dhawaaqin, waana kursigii qalalaasaha ka dhashay ee doorashadiisu ka dhacday magaalada Jowhar, kaasoo uu ku soo baxay Wasiirkii Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux.
https://youtu.be/_JzDaxj-c6c
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0