Home Afsomali Xildhibaan maareeye oo mar kale dib loogu doortay ka mid noqoshada ...

Xildhibaan maareeye oo mar kale dib loogu doortay ka mid noqoshada golaha shacabka

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa mar kale loo doortay kursi ka mid ah Golha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maareeye waxaa la tartamayay C/raxmaan Warsame Siciid,waxaana ay ku tartamayen kuriga Golaha shacabka ee tirsigiisu yahay  Hop#225.

Guddiga doorashada dadban ee heer dowlad Goboleed qeybta Somaliland oo doorashadan qabanayay ayaa ku dhawaaqay natiijada iyaga oo sheegay in Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu helay   96  Cod halka C/Raxmaan Warsame Siciid uu helay  3  cod.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Laba cod  oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen 101 Ergo ay xumaadeen.

Maareeye ayaa muddo dheer ku jira Siyaasadda Soomaaliya,waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee soo maray dalka 20kii sano ee ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.