1. Jaamac Booto, oo Ciyaal Gaalkacyo ah oo u booteeynayo Muriidi yare oo Reer Xamar weyne ah, ayaa ku yiri: Maxaad Naga Garaneeysaa, waxaan soo Cabay Biyihii “Ceelka Berda Cad”, waxaan ahay Rag Laba Xiniinyood ah, oo Xiniinyuhu Jilbaha dhaafeen.
Kii Reer Xamar weyne ayaa yiri: Laaa, “Sheelaa” igu weeynaatay oo igu Fuurtay Maad ku faane. ( F.S:1aad)
( Odayga leh: Xildhibaan Hebel ayaan soo saaray, ma wuxuu ku faanaa, Laaluush ayaan qaatay, Aduunyana waji xumo, Aakhirana Su’aal )
2. Jimcaale ayaa ka Casheeyay Makhaayadda ugu weyn ee VIP-da Magaalada Gaalkacyo, markii uu u tagay khasnajigii ee uu Lacagtii bixiyay ayuu yiri: i sii Findhicil ” Toothpick” waxaa lagu yiri: Sug waa la isticmaalayaa, Laba Qof ayaa kaa soo horeysay. Jimcaale ayaa yiri: Yaah, Findhicilna Gaalkacyo ma la kala sugaa, Tanaa ii dhineed. ( F.S: 2 & 3aad)
( Oday Calasoow, ayaa yiri: Xilalkaan Soomaliya la kala sugaa ogaadhoo Findhicil wax dhaamaanee )
3. Koo Cabtooy ah oo Qurbaha ku maqanaa Lix Sanno ayaa waxa uu soo wacday Xaaskiisii oo Kismayo joogtay, waxa ey ku tiri: Aniga iyo Labadeenii Wiil waan Nabadqabnaa. Ninkii oo Markaa Cabsanaa ayaa ku yiri: Aga, Awoowgeed la gub, Naa Lix sano baan kaa maqanahay ee Adigu Laba wiil kaliya ma dhaftid miyaa? Facaa Lix ayuu dhalay.
( Taleefon wax iima taro, Biil la soo diro ilmo kuma bataan, ee Reerka yaan laga maqnaan )
4. Dhuusamareeb waa Ceeb ah, in Wiil ey Naagu guddo ama Gabar uu Nin Guddo, Isbitaalada Xamarna waa Caadi . Wiil Xamar ka tagay ayaa Dhuusamareeb tagay. isaga oo Gabar shukaansanaa ayaa waxaa sheekadii soo galay Magaca Gabar kale oo uu yaqaan. wuxuu yiri: Heblo, waan garanayaa, Hooyadeed ayaa i Gudday.
Gabadhii ayaa tiri: Ba’ayeey Alla Anigaa hoogay, Ma Nin Naagu gudday ayaan Caawa dhan shukaansanayay. (F.S: 4 & 5aad).
( Hadda Dhuusamareeb ma joogtaa Dhakhtarad wiilasha guddo ?)
5. Nin America ka yimid ayaa markii uu yimid Xamar waxaa loo sheegay in Saaxiibkii oo muddo ey kala maqnaayeen uu dhintay. Tacsidii ayuu ka qeyb galay. Xaaskii uu Saaxiibkii ka dhintay ayuu ku yiri: waxaan ku noqonayaa America, Macquul ma tahay in aad i siiso, wax Saaxiibkeey uu ka tagay oo aan America u sii qaato si aan ugu xasuusto Saaxiibkeey.
waxa ey ku tiri: waan ka xumahay, Saaxiibkaa wax uu ka tagay oo aan Aniga aheyn ma jiraan.
( Ar Qurbaha, Dad Meyto lagu xasuustana ma loo qaadaa !!! )
6. Oday Cabdulle oo Magaalada Balcad Sab Qado uga qeyb galayay, ayaa Dhuunta waxaa uga istaagay Cad Hilib ah oo uu liqayay, Duqii sidii u rafanayay ayaa macawistii ka dhacday, Biyo uu Cabo ayuu u baahday. Xafladda waxaa joogay Gabar Qurbaha ku dhalatay oo Af Somaliga aan si fiican u aqaanin. Gabdhii ayaa tiri: ( Adeer, Biyo, Ma, Kaa, Keenaa). Duqii Naxtin Hilibkii hoos ayuu u degay, Xafladiina waa lagu kala cararay. ( F.S: 6aad)
( Anshax xumaa!!!, ku lahaa !!!, Ma anshax xumee, Af Somaligaa sidaas ka ah, “ma Kaa” iyo “ma Kuu” ayey isku khaladay).
Qore: Yahya Amir