Home Afsomali Full VIDEO Nin Ganacsade caan ahaa dil u geestay oo Maxkamad la...

Full VIDEO Nin Ganacsade caan ahaa dil u geestay oo Maxkamad la horgeeyay (DAAWO SAWIRADA

Waxaa saakay Maxkamada gobolka Galgaduud ee dowlad gobolewedka Galmudug la hor geeyay nin gacan ku dhiigle ah oo loo heestay in dil bareer ah goobtiisa ganacsi ugu geestay Ganacsade caan ka ahaa deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Maxkamada ayaana u fadhiisatay dhageesiga dacwad ciqaabeed dil ah oo loo heysto eedeysane Cismaan Ciise Afrax oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Galmudug uu kusoo eedeeyay dil goobtiisa ganacsi loogu geystay 06-12-2020  Marxuum Daahir Cabdulle Cabdi.

Guddoomiyaha Maxkamadda, Axmed Salaad Kulane ayaa inta aan la guda-gelin dhageysiga dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanaha kahor, sharaxaad balaaran ka bixiyay eedda iyo cida dhibanaha ka ah.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Galmudug Cabdikariin Maxamed Xirsi oo cuskanaya xaanshi qiraal ah oo eedeysanaha laga qoray iyo cadaymo kale oo laga soo uruuriyey goobta falku ka dhacey ayaa garsoorka ka dalbaday in eedeysanaha la mariyo ciqaab adag.

https://youtu.be/X2xFCf698zI

Gudoonka Maxkamada ayaana xeer ilaalinta ka codsaday in ay soo dhameestiraan eedeymaha dilka ee ninkan loo heesto, waxaana maxkamada loo balamay fadhi kale oo kiiskan laga yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.