War-Saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in hannaankii loo maray xil ka qaadista xubno ka tirsan guddiigaas uu yahay mid baal marsan heshiiskii 17 Sep 2020, iyayoo baaq u diray Madaxda Wadashariga Qaran si ay arrintaan uga bixiyaan jawaab u dhiganta.
Waxay sidoo kale canbaareyeen Wasiirka Amniga Gudaha C/laahi Maxamed Nuur oo ay sheegeen in uu kuusoo weeraray xaruuntoodi sidoo kalena ay kala kulmeen xayiraad, handadaad iyo caga jugleyn isagoo sidoo kale ku amray xubnihii guddigaas in muddo 1 saac ah ay uga guuraan xaruuntii guddigaas.