Home Afsomali Guddoomiyihii deegaanka Taabto  Max’med Jiis,  madaxii Canshuuraha deegaanka Cumar Abuukar Abgaaloow iyo...

Guddoomiyihii deegaanka Taabto  Max’med Jiis,  madaxii Canshuuraha deegaanka Cumar Abuukar Abgaaloow iyo sargaal ciidan oo lagu magacaabo Daahir Dheere.

Al Shabaab oo shaacisay in weerar layaab leh ku dileen Masuuliyiin iyo xubno kale

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in xalay dagaalyahano katirsan kooxdaasi weerar qorsheesan ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Taabto oo katirsan gobolka Jubadda Hoose ayna halkaasi ku dileen masuuliyiin iyo saraakiil.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah ayna la yaabeen dadka deegaanka Taabto lagu qaaday guri kuyaala deegaankaasi ay ku sugnaayeen masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ku dileen guddoomiyihii deegaanka Taabto  Max’med Jiis,  madaxii Canshuuraha deegaanka Cumar Abuukar Abgaaloow iyo sargaal ciidan oo lagu magacaabo Daahir Dheere.

Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda dilka ka dhacay  Taabto, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ragii dilka ka dambeeyay si nabad galyo ah uga baxeen deegaanka Taabto ee katirsan Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.