Home Afsomali Yaa ka danbeeyay in 5 Maalin ka dib loo qaleeyo xuska...

Yaa ka danbeeyay in 5 Maalin ka dib loo qaleeyo xuska 78 Sano Guuradii ka soo wareegatay Aasaaska Ciidanka Booliska!!!!!!!

Yaa ka danbeeyay in 5 Maalin ka dib la dhigo xuska 78 Sano Guuradii ka soo wareegatay Aasaaska Ciidanka Booliska!!!!!!!

Sanad kasta 20-ka bisha December ayaa la dhigayaa xaflada maalinta ciidanka booliska, balse sanadkaan waxaa munaasabada ku soo aaday, xili uu Farmaajo dalka ka maqnaa oo uu jiray shirkii Turkiga iyo Afrika eek a dhacay magaalada Istanbul.

Sida ay ogaatay somalisan.com  taliska ciidanka booliska ayaa fariin u diray Farmaajo oo ay uga dalbanayaan inuu u fasaxo in ay dhigtaan xuska maalintan, fariinta waxaa lagu sheegay in ay diyaar yihiin ra’iisul wasaaraha, taliyaha booliska iyo duqa Muqdisho oo xuka ka qeyb gali kara.

Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo uusan wax jawaab ah ka bixin fariinta, balse uu si toos ah ula soo xiriiray saraakiisha booliska oo uu u sheegay inaan wax xaflad ah la dhigi Karin inta uu dalka ka soo galayo.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha uu ku dooday in muhiimada ay tahay in la dhigo munaasabada oo maalinta laga dhigayo aysan muhiimad gaara ku fadhin.

Waana taas mida keentay in 5 maalin kadib la dhigo xuska maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ciidamada munaasabada ku sugan ay sallaan sharaf siiyeen madaxweyne Farmaajo, isagoo u arka in munaasabadan in ay tahay tii ugu danabaysay ee uu booliska kala qeyb galo isagoo Villada dhex fadhiya.

Arinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in ra’iisul wasaare Rooble uusan ka qeyb galin munaasabadan, maadaama aysan Viladda dhankeeda ka helin wax casuumaad ah, iyadoo casuumada ka qeyb galayaasha munaasabadan ay direysay madaxtoooyada Soomaaliya.

Xuskan wuxuu ku soo aaaday iyadoo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo, iyadoo khilaafkan uu dib u soo laba kacleeyay laba bil kadib markii hoos loo dhigay mad madowgii ka dhexeeyay Xukuumada iyo Villada, wuxuuna khilaafka ayaa hada marayaa in munaasabadaha lakala qarsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.