Home Afsomali Ummaddaha Midoobey War ka soo saartay xerida Terminalka Garoonka Adan-Cadde

Ummaddaha Midoobey War ka soo saartay xerida Terminalka Garoonka Adan-Cadde

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xeritaankii dowladda Soomaaliya ee qeybta Terminalka Garoonka Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in codsi uga yimid dowladda Soomaaliya lagu xiray Terminalka Garoonka Aden Cadde oo ay isticmaali jireen hay’adaha qaramada midoobay sidoo, kalena ay si buuxda u ixtiraamayaan sharciga Soomaaliya, iyada oo la raacayo heshiiskii ay wada gaareen.

” Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee khuseeya ee ay kala saxiixdeen hay’adaha Qaramada Midoobay, lacagaha, iyo barnaamijyada, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Xuquuqda iyo Xasaanadda. ee Qaramada Midoobay.

Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaanan ka xunnahay in tilmaamahan xiritaanka si lama filaan ah loo soo saaray oo wada tashi yar laga sameeyay.

Waxaan aad uga xunahay in xiritaanka sida muuqata ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loo ogolaado baaritaan. Wadahadalo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lala yeesho madaxda dowladda Federaalka.

Qaramada Midoobay ayaa weli waxaa ka go’an iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda in kasta oo ay jiraan carqalado dhanka shaqada ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay qeybta Terminalka Garoonka Aden Cadde, waxaana tallaabadaas aad uga xumaaday Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaaliya ay qaadatay go’aan aan wadagashi badan la gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.