Adeega Shirkada Somtel oo gabar joogto kaaraan ku guuleystay gaari qaali ah.
Adeega ku shubo oo ku guuleyso ee Shirkada somtel dagabshiil ayaa Gaarigii sadaxaad galabta ku abaal marisay mid ka mid ah macaamiisha adeega shirkada
Xalada abaalmarinta Ololaha ku shubo oo ku guuleyso qaar ka mid ah tobanka kun ee hadiyadood asbuucii 24aad bishii 5aad ee shirkada somtel dahabshiil ayaa lagu soo gabagabeeyey sanadkaan magaalada Muqdisho .
Todobaadkaan ayaa waxyaabaha lagu guuleysanayey waxaa ka mid ah gaari hayundai ah oo qiimihiisu gaarayo 40 kun doolar .
Waxaana ka soo qeybgalay Xildhibaan yuusuf Heyle Jimcaale Xildhibaan Prof Maxamed cumar dalxa maamulka jaamacada nail Jaamacada green hope masuuliyiinta somtel oo uu ka mid ahaa Cumar Maxamed Nuur saacid macaamiisha somtel. guuleystayaashii todobaadkii 23aad oo hadiyadihii ay ku guuleysteen lagu abaal mariyey iyo marti sharaf kale oo munaasibada lagu casuumay .
Waxaana adeegaan looga mid noqon karaa adoo heysta sim card ka hadalka ee Somtel ku shubo oo ku geeleyso hadiyado qaali ah Ololahaan ayaa socday mudo 5 bilood ah
Munaasibada waxaa daahfurey Madaxada daryeelka macaamiisha mubaar sheikh isxaaq oo faahfaahiyey ujeedka iyo danta shirkadu ka laheyd kaasi oo si guul ah lagu soo gabagabeeyey.
Maamulka garen hope Dr .Mustaf Macalin Cabdulle oo ka mid ahaa masuuliyiinka la socoto inta uu barnaamijku socday furitaankii ilaa xiritaankii kana mid noqday masuuliyiintii gudoonsiineysay hadiyadaha abaal marinta aayaa u hambalyeeyey qof kasta oo ka mid noqoto guuleystayaasha .
Wuxuuna kiciyey mishinka star stop oo lagu guuleystay cumuter lap topah
kii aa2 waxaa lagu guuleystay mobile samsung
Gabar joogto balcad ayaa ku guuleysatay Internet bile ah .
Maxamed Xasan cabdulaahi oo ka socday jaamacada nail University ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii lagu casuumay wuxuuna qirey in somtel adeegeeda uu aad ula dhacay wuxuuna mahadcelin ka sokow ku amaanaybshaqada ay bulshada u hayaan
Macaamiilkii xigay ayaa isne ku guuleystay mobile somsung .
Madaxada suuq geynta iyo iibka ustaad Cumar Saacid oo ka mid ah howlwadeenada dahabshii shirkada somtel ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo marey 5tii bilood ee uu soo socday ololaha ku shubo oo ku guuleyso hadiyado qaali ah .
Cumar ayaa sheegay in dhamaan tobankii kun ee hadiyadood ay gacantooda dhamaan ka baxday waxaana uu xusay in inta dhiman ay ku eg tahay maanta oo dhamaadka sanadka ah gaarigaan ayaa noqonaya kii 3aad oo lagu guuleystay waxaa a horey ay shirkadu u bixisay ilaa 25 mooto bajaaj .
Prof Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa ayaa bogaadiyey adeegyada shirkada dahabshiil somtel wuxuuna la socday min bilow ilaa dhamaadka 5tii bilood ee uu socday ololaha ku shubo oo ku guuleyso hadiyado qaali ah
Wuxuuna star ugu dhuftay u tartanka gaariga lagu guuleysanayo.
Waxaana ku guuleystay gaarigii la sugaayey xaalimo cumar karaani oo joigto dagmadav kaaraan govolka banadir .
Deeq jaamacadeed ayaa hadana loo tartamay oo uu ku guuleystay wiil kale .
Ugu danbeyn waxaa la gudo galay bixinta hadiyadihii lagu guuleystay asbuucii hore kuwaas oo dhamaan la gudoonsiiyey
Cumar Maxamed Nuur ayaa munaasibada soo gunaanaday isagoo u mahadceliyey dhamaan ka soo qeybgalayaasha asbuucaan ugu danbeeyey waxaana barnaamijka daadihinayey Cali Cusman Taha.