Home Afsomali Garsoore mareykan ah oo Diiday in uu dhaqan galo amarkii Trump uu...

Garsoore mareykan ah oo Diiday in uu dhaqan galo amarkii Trump uu ku soo rogay 7 dal oo Muslim ah

Banaan baxyo ayaa ka soconayey garoommada dayaaradaha ee Maraykanka todobaadka oo dhan

Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dhoofayaasha 7 dal oo Muslim ah.

Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.

Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan degdeg ah ka qaadato xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.

Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.